qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Hawadii Somalia Oo Weli Laga Xukumayo Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya, Taas Oo Ay Gacanta Ku Hayso Hay’ad Lagu Magacaabo Fly Information Services For Somalia Iyo Warkii Maamulka Villa Somalia Oo Beenoobey.
June 19, 2019 - Written by qoriadmin

Nairobi-(QorilugudNews24)-Warar Xaqiiqo Ah Oo Aanu Ka Helay Ilo-Wareedyo Muhiim Ah Ayaa Noo Sheegay In Hawadii Somalia Weli Laga Xukumo Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalkaasi Kenya, Taas Oo Ay Gacanta Ku Hayso Hay’ad Uu Fadhigeedu Yahay Magaalada Nairobi, Hay’addaas Oo Lagu Magacaabo ”Fly Information Services For Somalia, Arrintaas Oo Meesha Ka Saartay Wararkii Been Abuurka Ahaa Ee Xisbiga Nabad Iyo Nolol Iyo Dacaayadihii Raqiiska Ahaa Ee Maamulka Villa Somalia.
Waxa Kale Oo Ay Wararku Sheegayaan In Aanu Jirin Wax Maamul Hawo Ah Oo Haba Yaraatee Lagu Wareejiyey Maamulkaasi Villa Somalia, Waxa Kale Oo Arrintani Qayb Ka Noqonaysaa Beenta Qaawan Ee Uu Maamulkaasi Ku Maaweeliyo Shacabkiisa Masaakiinta Ah Ee Ay Colaaddaha Iyo Abaaruhu Halaakeeyeen.

Kala Soco Wararkayga Dambe Warkaas Oo Faah-Faahsan.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News