qorilugudnews24.com
Haweeney Ninkeedii Hore Loo Diley Oo Iyadana Meydkeedii Laga Helay Hoteel Ku Yaalla Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Maamulka Villa Somalia, Arrintaas Oo Dad Badan Ka Yaabisay.
June 28, 2019 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Maamulka Villa Somalia Ayaa Sheegaya in Hoteel Ku Yaalla Magaalada Muqdisho Laga Helay Meydka Haweeneydan, Taas Oo Ninkeediina Hore Loogu Diley Isla  Magaaladaasi Muqdisho.
Meydka Haweeneydan Ayaa Laga Helay Hoteel Ku Yaal Isgoyska Baar Ubax Ee Magaalada Muqdisho, Waxaana Kiiskeeda Hadda Gacanta Ku Haya Hay’adda Dembi-Baadhista Ee CID.
Haweeneydan Oo Lagu Magacaabi Jirey Sumaya Yuusuf Barkhadle, Waxayna Ahayd Hooyo Haysatey Shan Carruur Ah Oo Weliba Agoon Ah, Waxaana La Sheegay In Horey Looga Diley Ninkeedii Oo Ahaa Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Haweeneydan oo deganeyd Agagaarka Xaafadda Shiirkole Officialle Ay U Tagtay Hoteel-ka Arrimo Iyada U Gaar Ah Dartood, Kadibna La Waayey Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dgigtay, Balse Markii Dambe Meydkeeda Laga Helay Isla Hoteel-kaas, Iyada Oo Loo Malaynaayo In Markii Hore La Kufsaday, Kadibna Sidaas Lagu Diley.

Ciidamada Booliska Ayaa Hoteel-ka Gaadhey, Waxaana La Xidhay Qaar Ka Mid Ah Hawl-Wadeenadii Hoteel-ka, Iyada Oo Meydkii Haweeneydana La Geeyey Cisbitaalka Guud Ee Ex-Digfeer.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro Shaki ku aaddan in Dilka Haweeneydan lagu sameeyey Hoteel-ka dhexdiisa, Sidaasna Ay Ku Dhimatay.

Kiisaska dilalka kala duwan Ee Noocan Ah ayaa Maalmihii U dambeeyey ku soo badaneyey Magaalada Muqdisho, waxayna noqdeen kuwo joogto ah.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News