qorilugudnews24.com
Fadeexadda Ka Taagan Somalia Oo Ku Dhawaaqday In Ay Cilaaqaadkii U Jartay Dal Aanay Markii Horeba Xidhiidh La Lahayn.
July 4, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Dawladda Aan Iskeed Isu Maamuli Karin Ee Somalia Oo Marin  Habaabinaysa Bulshadeeda, Ayaa Maanta Ku Dhawaaqday In Ay Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay Dawladda Jamhuuriyadda Guinea, Kadib, Markii Ay Liqi Waayeen Socdaalka Taariikhiga Ah Ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftiga Uu Hoggaaminayaa Ay Ku Joogaan Dalkaas Oo Ay Ku Tageen Martiqaad Rasmi Ah Oo Ay Ka Heleen Madaxweyne Alpha Conde.

Dawladda Itaalka Darran ee Muqdisho waxay shaacisay in ay xidhiidhkii u jartay Jamhuuriyadda Guinea, oo aanay haba yaraatee wax cilaaqaad ah la laheyn, taasi oo ah Tallaabo Weji-Gabax diblomaasiyadeed ku ah Maamulka qaadhaan ku noolka ah ee Farmaajo, oo iskaga hadaaqday in ay cilaaqaadkii u jareen  waddan aanay Safiir ku laheyn isla markaana aanu ka dhexeynin xidhiidh  siyaasaddeed iyo mid dhaqaale toona.

Cadaawadda joogtada ah iyo Nacaybka Maamulka Farmaajo kaga masuugayaan  horusocodka dawladnimadda Somaliland,  waxay  sii adkeynaysaa wadajirka iyo Midnimada Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo rubuc qarni ah ku taabo-geliyey dawlad wanaag, dimuqraadiyad iyo Hay’addo si dastuuri ah xilkooda u gudanaya oo ay qireen Beesha Caalamku.

Dadka siyaasadda Odorosa ayaa aaminsan in sannadkani uu yahay “Gu’gii Aqoonsiga Somaliland”, waana taas waxaa  joog iyo jiif u diidey dawladda aan iskeed isu maamuli karin ee Soomaaliya oo xiqdiga ay u hayaan Somaliland geyeysiiyey in Ay Ummaddooda ku maaweeliyaan inay Cilaaqaadkii u jareen waddan aanay horeba wax cilaaqaad ah u lahayn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an inuu dalalka Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka fahansiiyo xaqa iyo aayo ka tashiga ummadda reer Somaliland, waxaana siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland xilligan maraysaa marxalad ay  Waddammada Afrika ay ku baraarugeen sidii ay wax ula qabsan lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal khayraad badan leh oo ay ka jiraan fursado Maal-Gashi.

Ugu dambeyn, waxa socdaalka  taariikhiga ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalka Guinea uu noqonayaa mid albaabada u fura  Masaalixda guud ee labada dal wadaagaan, isla markaana bilow wanaagsan u noqon doona  iskaashiga Somaliland la leedahay Dalalka Galbeedka Afrika.

Source; Solnanews.com

COMMENTS
Latest News