qorilugudnews24.com
Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-Nacle Oo Ay Maradii Ka Dhacday, Qarsana Kari Waayey Nacaybkii Uu U Qabey Beelaha Habar-Jeclo, Markhaati Beenaale Uu Furay Iyo Xadiisyo Diciif Ah Oo Uu Warbaahinta La Hor Yimi.
July 9, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-Nacle Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Somaliland Ayaa Beryahan Dambe Caadeystey In Uu Saxaafadda La Hor Yimaado Xadiisyo Dacaaf-Ah Oo Dabo Ka Dhiib Ah, Kuwaas Oo Ku Wajahnaa Deegaano Gaar Ah Iyo Beelaha Ku Dhaqan, Taas Oo Hadda Bannaanka Keenay Nacaybkii Iyo Cuqdadii Huursanaeyd Ee Uu Xildhibaanku U Qabey Guud Ahaanba Beelaha Habar-Jeclo, Arrintaas Oo Ay Weli Dad Badani Isweydiinayaan Waxa Ay Salka Ku Hayso Colaadda Uu Xildhibaan Nac-Nacle U Qabo Beelaaahsi Habar-Jeclo Iyo Halka Ay Sartu Qudhunsan Tahay Ee Xildhibaanka Toobada Seejisey.

Haddaba Xildhibaan Nac-Nacle Oo Sidii Caadada U Ahayd Maanta La Hadlay Qaar Ka Mid Ah Warbaabinta Ayaa Dhaliilo Madhaleys Ah Oo Aan Loo Meel-Dayin Kula Dulkufay Wasiirka Wasaaradda Arrinaha Gudaha Ee Somaliland Md. Maxamed Kaahiin Axmed, Isaga Oo Ku Eedeeyey In Beeshiisu Mirtay Dad Hurda, Arrintaas Oo Ah Wax Lagu Qoslo, Isla Markaana Aanay Waxba Ka Jirin, Oo Aan Sal Iyo Raatoona Lahayn, Balse Kkeliya U Muuqatey Hiillo Uu U Muujinaayey Beel Ka Mid Ah Beelaha Walaalaha Ah Ee Ku Daagaalamaya Deegaano Hoos Yimaada Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag.

Geesta Kale Xildhibaan Nac-Nacle Ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Xilka Ka Qaado Wasiir Maxamed Kaahin, Laakiin Waxa Aan Caawa Doonayaa In Aan Halkan Uga Caddeeyo Xildhibaan Nac-Nacle Iyo Inta Fikirkaas Aamisan Ee Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani, In Aanay Taasi Marna Dhici Karin, Haddiise Ayba Dhacdana, Aanu Jiri Doonin Wasiir Arrimo Guddeed Oo Maxamed Kaahin Ka Dambeeya Oo Cag Soo Dhigi Doona Deegaamo Ay Leedahay Beel-Weynta Habar-Jeclo, Taas Ha Lagu Bushaareysto, Nin Walowbana Candhuuftaada Dib U Liq, Kuna Bushaareysta, Wixii Hadda Ka Dambeeyana Si Wacan Ayeynu Isu Baran Doonaa, Ama Markhaati Beena Isu Fura, Idinkaanay Idiin Taalla Haddii Aad Dhaqaale Iska Ururin La Haydeen Iyo Haddii Aad Muusanaabi La Haydeenba, (Haata Burhaanak).

Ugu Dambayn Waxa Aan Halkan Digniin Culus Uga Dirayaa Xildhibaan Nac-Nacle Iyo Inta Kale Ee Ku Hawlan Waxaanay Dani Ugu Jirin Ee Beenta Iyo Xasaradda Joogtada Ah Maalin Walba La Soo Hor Yuura Saaxaafadda Iyo Website-Beeleedyada Ardaayadooda, Isla Markaana Ku Foogan Hadallada Xanafta Leh Ee La Iskaga Horkeenayo Beelaha Reer Somaliland Iyo Xadiisyada Daciifka Ah Ee Loogu Sheekaynayo Dadka Maatada Ah Iyo Wax Ma Garatada.

Halkan Ka Daawo Fadeexaddii Xildhibaan Nac-Nacle.

Wa Billaahi Tawfiiq.
By: Digtoor Qasbaaye.

COMMENTS
Latest News