qorilugudnews24.com
Somaliland: Dadaalada Aqoonsi Raadiska Ah Iyo Dabinada Cadowga Ee Gudaha.
July 10, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Muddo 28 Sanno Ah Oo Ay Jamuuriyadda Somaliland Ahayd Qaran Madax-Bannaan Oo Dib Ugala Soo Noqday Xoriyaddiisii Luntay 1960-kii Kadib Midawgii Somalia Ee Horseeday Burburka, Iyo Barakaca Nafaha Badan Lagu Waayey, Ayaa Sannadkii 1991-kii, Waxay Dhammaan Bulshada Reer Somaliland Go’aansadeen Kadib Halgankii Dib U-Xoraynta Dalka In Ay Ku Dhawaaqan Madax-Bannaanidii Somaliland, Taasi Oo Noqotay Mida Ilaa Haatan Lagu Caano Maalayo Ee Keentay Nabadda Iyo Xasiloonida Iyo Weliba Horumarka Dalka Iyo Dadkuba Gaadheen.

Haatan oo dalka uu ka Arrimiyo Hoggaamiyihii Shanaad Ee Ku Yimaada Rabitaanka shacbiga, laguna soo doortay Codka Xorta Ah, ayaa sida aynu la wada socono ku jira dadaalo ballaadhan oo aqoonsi raadis ah kuwaas oo qadiyadda Somaliland uu gaadhsiiyey Waddamada Afrika oo iyagu haatan dareeno togan ka muujiyey xaqa iyo xuquuqda Somaliland ay u leedahay in ay hesho Aqoonsi buuxa oo beesha caalamku Siiso.

Garawshiyo ay in badan oo waddamada Afrika garwaaqsadeen dooda Somaliland ee ah helitaanka aqoonsi buuxa ayaa noqotay mid u cuntami weyda Maamulka Villa Somalia oo isagu si indho la’aan ah uga soo horjeeda qadiyadda Somaliland isla markaana sheegta in ay ka mid tahay, taasi oo badiba dunida inteeda kale ay ogtahay in Somaliland iyo Somalia ay isku biireen Taas oo ay yihiin laba dal oo midba mar qaatay xoriyaddiisa oo weliba Somaliland ay tahay waddankii u horeeyey ee Somali ah ee gumeystaha xoriyaddiisa ka qaatay, balse Muxubo dhalanteed ku salaysan iyo boholyow Somali jacayl ahi ay geysey Koonfur oo aan iyadu daacad ka ahayn Midowga, aakhirkiina dhaxalsiisay, Ciqaab aad u darran oo kentay in Halgan dheer oo Naf iyo Maalba loo huray in dib loola soo noqdo Madax-bannaanidii Sal-fudaydka lagu gelbiyey.

Guud ahaan shacbiga reer somaliland oo qadiyadda madax-bannaanidooda ka midaysan ayaa dhanka kale ay jiraan shaqsiyaad u Adeega Cadowga Qarankan oo iyagu Ummadda Mar Kasta Jecel inay dhex dhigaan kala qoqob iyo kala qaybin, taas oo ka mid ah dabinada Uu Cadowgu U Maleegayo Qarankan dhidibada Adkaystay Kaas oo ku soo gabanaya, shaqsiyaad sheegta Madax- Dhaqameed, Siyaasi, Aqoon Yahan iyo wax la hal-maala oo intaba Ay Bulshadu Diiradda ku hayso oo aanay sinaba ugu suurto-geleyn shirqoolada ay La Maagan Yihiin Somaliland iyo shacbigeeda.

Bulsho-Weynta Reer Somaliland iyo Madaxdeeduba waa kuwo bislaaday oo jiritaanka Qarankan heegan ugu jira waana Ummad isku tashatay oo aan ciddi loodin karin, si kasta oo la isugu dayo in loo dagoba waa mid ay meel uga soo wada jeedaan in aanay Marnaba suurto-gelin dabinada iyo shirqoolada ay Mar Kasta La Raadinayaan Cadowga Dibedda iyo Adeegayaasha Gudaha oo sida Ugu Dhakhsaha Badan Xididada Loogu Siibi Doono.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News