qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Mudaharaadyo Lagu Taageerayo Jabhadda Qaran-Dumiska Ah Ee Kornel Caarre Oo Maanta Ka Dhacay Magaalooyinka Burco Iyo Ceerigaabo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.
July 10, 2019 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Magaalooyinka Burco Iyo Ceerigaabo Ayaa Waxa Maanta Ka Bilaabmay Mudaharaadyo Ka Dhan Ah Jiritaanka Iyo Qaranimada Somaliland, Kuwaas Oo Lagu Taageerayo Jabhada kornayl Caarre Ee Qaran-Dumiska Ah.
Dibed-Baxayshaaya Iyo Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Magaaloyinkaasi Ku Sugan Ayaa Waxaa Dhex-Maraya Iska Hor Imaad, Kaas Oo Sababay Khasaare Kala Duwan Oo Aan Wel La Shaacin.

Wararka Laga Helayo Magalada Ceerigabo Ayaa Sheegaya In Magaladaasi Mudaharaadka Ka Socdaa Uu Ilaa Imanka Sababay Dhaawaca 1 Qof.

Dadkan Mudaharaadayaasha Ah Ayaa Taayiro Ku Gubaya Qaar Ka Mid Ah Jidadka Magaaloyinka Burco Iyo Ceerigaabo, Mudaharaadyadaas Ayaa Sida La Xaqiijiyey Taageero Loogu Muujinayaa Jabhadda Korneyl Caarre Ee Ay Maamulada Pintland Iyo Villa Somalia Dabada Ka Soo Riixaan, Jabhaddaas Oo Ujeedada Keliya Ee Loo Sameey Tahay Sidii Loogula Dagaalami Lahaa Beelaha Habar-Jeclo.
Kala Soco Wararkayaga Dambe Wixii War Ah Ee Ammuurtaas Ku Soo Kordha.


Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News