qorilugudnews24.com
Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Oo Saaka Guluf Ballaadhan Ku Qaaday Jabhadda Nabad-Diidka Ah Ee Korneyl Caarre Iyo Maleeshiyaad Ay Isku Beel Yihiin Oo La Safnaa, Kuwaas Oo Loo Geystey Khasaare Aad U Culus.
July 11, 2019 - Written by qoriadmin

Yubbe-(QorilugudNews24)-Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Ayaa Saaka Aroortii Hore Weerar Culus Ku Qaaday Jabhadda Korneyl Caarre Ee Nabad-Diidka Ah Iyo Maleeshiyaad Hubeysan Oo La Safnaa, Kuwaas Oo Ku Sugnaa Deegaanka Dhoob Oo Ka Tirsan Deegaanka Yube Ee Bariga Gobolka Sanaag, Dagaalkaas Oo La Sheegay In Si Xun Loogu Jebiyey Maleeshiyada Korneyl Iyo Ciidan-Beeleesyadii Kale Ee La Safnaaba.

Goob-Jooge Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Yubbe Ee Bariga Gobolka Sanaag Ayaa Noo Xaqiijiyey In Uu Dagaalkaasi Istaagey Ka Dib Markii Loo Awood Sheegtay Kooxdaasi, Isla Markaana Loo Geystey Khasaare Baaxad Weyn Oo Aanay Weligood Ka Soo Waaqsan Karin, Waxa Kale Uu Uu Sheegay In Ay Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Ay Maleeshiyada Korneyl Caarre Ka Qabsadeen Laba Baabuur Oo Tikniko Ah, Halka Ay Laba Kalena Ka Gubeen, Isla Markaana Ay Gacanta Kaga Dhigeen 17 Maxbuus Oo Ay Qaarkood Dhaawac Halis Ah Yihiin.
La Soco Goor Dhow Wixii War Ah Ee Ammuurtaas Ku Soo Kordha.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News