qorilugudnews24.com
Jabhadda Korneyl Caarre Oo Laba Oday Oo Waayeel Ah Ku Dishey Deegaanka Darara-Weyne Ee Degmada Ceel-Afweyn.
July 11, 2019 - Written by qoriadmin

Ceel-Afweyn-(QorilugudNews24)-Jabhadda Uu Hogaaminaayo Korneyl Caarre Oo Dhawaan Ku Soo Duushey Beel Ka Mid Ah Beelaha Deegaanka Darara-Weyne Ee Degmada Ceel-Afweyn Ayaa Qudha Ka Jartay Laba Oday Oo Waayeel Ah, Kuwaas Oo Aan Waxba Galabsan, Isla Maraana Ah Dadka Biri Ma Geydada Ah Ee Aanay Bannaanayn In La Dilo Xilliyada Colaaddaha, Arrintaas Oo Muujinaysa Sawirka Dhabta Ah Ee Ay Leedahay Jabhadda Korneyl Caarre Iyo Ujeedada Markii Horeba Loo Aasaasay.

Haddaba Korneyl Caarre Oo Wax Laga Weydiiyey Sababta Ku Kaliftey In Uu Laayo Dadka Noocaas Ah Ayaa Ku Andacooday, Inay Jirto Jabhad Kale Oo Ka Soo Jeeda Beesha Baho-Biciide Isla Markaana Uu Dagaal Adag La Geli Doono Beeshaasi, Arrintaas Oo Daaha Ka Feydey In Korneyl Caarre Iyo Maleeshiyo-Beeleedkiisuba Aanay Jirin Markii Horeba Dulmi Ay Ka Dagaalamayeen Oo Meesha Yaalley Balse Ay Ujeedadiisu Ahayd Sidii Uu Beeshiisa Ula Soo Safan Lahaa, Isla Markaana Uu Ugu Qiil Samaysan Lahaa Sidii Uu Ciidanka Qaranka Ee Uu Ka Mid Ahaa Dhabarka Ugu Soo Jeedin Lahaa, Isaga Oo Danta Qarankii Karaameeyey Ee Isaga Oo Markii Horeba Cabag Leh Darajada Siiyey, Haddana Ka Door Biday Ta Beeshiisa Iyo Colaaddin Duul Kale Iyo In Uu La Soo Safto Cadowga Koowaad Ee Ay Somaliland Leedahay, Sida Maamulada Pintland Iyo Villa Somalia, Kuwaas Oo Ku Taageera In Uu Soo Burburiyo Qarankii Ku Soo Tabcay.

Korneyl Caare Oo Ah Hogaamiyaha Jabhada Lagu Magacaabo Dulmi-Diid, Ayaa Hore Uga Goostay Ciidanka Qaranka Ee Somaliland, Waxaanu Gacan Saar Dhow La Leeyahay Maamulka Pintland Iyo Cadowga Kala Duwan Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dagaalkan Cusub Ee Uu Ku Dhawaaqay Korneyl Caarre Ayaa Dabka Ku Sii Shidi Doonta Shaqaaqada Ka Taagan Deegaanada Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag,Balse Waxaa Laga Dhur Sugaya Tallaabada Ay Ka Qaadi Doonto Xukuumadda Somaliland.

”Walee Baroortu Orgiga Ka Weyn, Gar-Darrana Iyadaa Ninkii Wadaba Dili, Soomaaliduna Waxa Ay Ku Maah-Maahdaa Ninkii Soo Joog Laga Waayo, Soo Jiifso Ayaa Laga Helaa”.

Image may contain: one or more people
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News