qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Maleeshiyo-Beeleedka Uu Hoggaamiyo Korneyl Caarre Oo Caawa Weerar Gaadmo Ah Ku Soo Qaaday Deegaanka Qal Iyo Qac Oo Ka Tirsan Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Ceel-Afweyn.
July 13, 2019 - Written by qoriadmin

Ceel-Afweyn-(QorilugudNews24)-Ciidamo-Beeleed Ka Mid Ah Jabhadda Uu Hoggaamiyo Korneyl Caarre Ayaa Caawa Weerar Gaadmo Ah Ku Soo Qaaday Deegaanka Qal Iyo Qac Oo Ka Mid Ah Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Ceel-Afweyn Ee Goblka Sanaag, Weerarkaas Oo Dhacay Xilli Habeenimo Ah.
Weerarkani Ay Soo Qaadeen Ciidan-Beeleedkan Ka Tirsan Jabhadda Korneyl Caarre Ayaa Ujeedadiisu Ahayd Sidii Ay Hawl-Galo Toogasho Ah Uga Fulin Lahaayeen Deegankaasi, Waxayna Bulshada Deegaankaasi Markiiba Kala Hortageen In Ay Iska Caabiyaan, Kuwaas Oo Jabhaddii Caarre Ku Qasbay In Ay Halkaasi Iskaga Cararaan.

Is Rasaasayntan Dhex-Martay Dadka Ku Nool Deegaankaas Iyo Dablaydan Hubaysan Ee Weerarka Ku Soo Qaaday Ayaan Sababin Wax Khasaare Ah.

Isku Soo Wada Duuboo Jabhadda Uu Hoggaamiyo Korneyl Caarre Ayaa Ah Jabhad Ka Shidaal Qadata Maamulka Taagta Darran Ee Villa Somalia, Iyada Oo Ay Maalmihii U Dambeeyey Ay Jabhaddani Ku Sugnayd Gobolka Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag, Kadib Markii Laga Soo Caydhiyey Saldhiggii Ay Hore Ugu Lahaayeen Guddaha Maamulka Puntland.

Ugu Dambayn Weerarkan Ayaa Waxa Uu Ku Soo Beegmaya Kadib Markii Ay Maanta Beesha Bahood Hubkoodii Ku Wareejisey Xukuumadda Somaliland, Arrintaas Oo Muujinaysa Sida Ay Beeshaasi Diyaar Ugu Tahay Nabad Waarta Oo Deegaanadaasi Ka Aslaaxda, Balse Jabhadda Korneyl Caarre Oo Markii Horeba Loo Samaystay In Lagu Waxyeeleeyo Dadka Deegaankaasi Ayaan U Muuqda In Aanay Diyaar U Hayn Nabad Halkaasi Ka Dhalata, Waxaana Laga Dhursugayaa Tallaabada Ay Xukuumaddu Ka Qaado.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News