qorilugudnews24.com
Ujeedada Hadalka Xoghaye Khadar Oo Ay Aqoon-Darro Ka Muuqatey Iyo Soo Dhaweyntii Safarka Madaxweynaha Ee Xisbiga Waddani, Borobogaandhada Saddex Xagasha Ah Iyo Halka Ay Ku Aroorto.
July 18, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Saraakiishiisa Sar-Sare Oo Ku Kala Gadisan Lexejeclada Qaranka Somaliland iyo dareeno taban oo muujinaya kala qaybsanaan xisbiga dhexdiisa ah oo soo shaac-baxday kadib dhawaaqa Xoghayaha guud ee Xisbigaasi.

Xoghayaha xisbgiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Maanta mar uu la hadlayey Warfidiyeenada sheegay wax uu ugu yeedhay in Aanay Lahayn Meeqaam iyo Maamuus sare toona taas oo uu ku Tilmaamay Weftigii Madaxweynaha jamuuriyada Somaliland ee waddanka Guinea loogu soo dhaweyay hab maamuuska aad ka u sareeyay ee Jawahareerka ku ridey Maamulka Somalia, ayuu Xoghaye khadar ku sheegay in aanu ahayn mid la weyneeyo, safarkaasi iyo sidii loo qaabilay.

Hadalka Xoghayaha Layliga Ah ee Waddani ayaa la mida dhawaaqyada dhiiladu Hadhaysay Ee Ka Soo Burqanaya Maamulka Taagta Darran Ee Somalia.

Dhanka kale Xoghayaha waddani waxaanu garanayn oo aqoonteeda uu ka aradan yahay dublamaasiyada, marka uu leeyahay waddan yar oo fiqiirAh ayuu tegey Madaxwayne biixi, isaga oo Waddankaasi uu sheegayaa uu yahay Waddanka Guinea, oo Garaadka iyo Minqiyaaskiisu uuna gaadhsiisnayn, Halbeegii uu ku cabiri lahaa.

Aan Iswaydiino Qofka Daadafeeya Guul Uu Qof gaadhey

Dabcan hadii aad aragto shaqsi ay u cuntami la’dahay guul iyo horumar uu qof gaadhey waxa lagu fasiraa oo culumada duruusta Nafsiga ah ku xeel dheeri ay ku tilmaamaan in uu yahay qof Xaasid ah’ qofka libinta qof kale qiri waayaa.

Haddaba aan iswaydiino aragtiyaha kala duwan ee dareenada taban muujinaya kuna gadaaman Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Tagtadii ina dhaaftay xiligii safarka Madaxwayne biixi ee waddanka Guinea waxa, Bogaadisay oo warbaahinta hambalyo dareen wadaniyadeed leh ka muujisay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee xisbiga Waddani Marwo, Faadumo Siciid oo iyadu sheegtay, guusha safarkii madaxweynuhu inuu ahaa mid Qaranka u soo hoyatey.

Halka Maanta uu xoghayaha guud ee Xisbigaasi waddani uu sheegay wax ka duwan ahna mid Ummaddu la yaabtay oo uu ku sheegay inuu ahaa safar aan micno lahayn taas oo Uu hore xoghaya Arimaha dibeddu qirtay bogaadisayna safarkaasi iyo guushii ku lamaanayd, haddaba miyaanu waxba kama jiraan ka dhigin hadalka Faadumo Siciid oo ah xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbiga waddani?.

Aynu eegno Faadumo Siciid iyo sidii ay uga hadashay safarkii Guinea

Xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo iyadu xiligaa ku hadlaysay afka xisbiga, ayaa maanta markii uu hadlay xogahayaha guud ee xisbiga waddani khadar yare, uu waxii ay ka hadashay ee ahaa lexejeclada qaranka iyo midnimada umada ee qaranimada somaliland wada jirkeeda, ayuu guud ahaan ba masaxay, sheegayna in aanay wax guula ahayn safarkaasi, taas oo macnaha iyo duluucda ku duugan ay tahay mid la mida hadalkii wasiirka arimaha dibada ee maamulka somaliya oo kale, waxan uu yarku ku hadlayba.

Aan Eegno Haddaba Isna Hadalkiisa.

Waxa aan muran ku jirin wada shaqaynta iyo ogaalka xisbiga waddani dhexdiisa inuu yahay mid kala socda oo aan ka midaysnayn ujeedada iyo hadafka guud ee xisbigaasi, oo tani ay u noqonayso marag cad, waxana biyo kama dhibcaan ah, kala duwanaanshaha saraakiisha waddani ee aragtiyaha guulaha qaranka somaliland inay cadaynayso, sida ay maamulka somaliya saamaynta taban ugu dhex-leeyihiin xisbigaasi, taas oo ay horeba dareeno badani ku gadaanaayeen, xoghayaha da’da yar oo isagu xiliyada qaar kaba dhawaajiyay in hargaysa uu farmaajo yimaad, hadaladaas oo u dhignaa sidan.

Muuqalkani waxa uu ka turjumayaa shaqsiyada dhabta ah ee xoghaye khadar iyo waxa uu aaminsan yahay oo ah meelo shishe oo aanay badiba la wadaagin xubno badan oo ka mida xisbiga uu magaciisa ku raad-gadanayo indhaha bulshadana isleeyahay iskaga jeedi kana dhigo xayn-daab aad ku dhex fushan karto Ujeedooyinka U Qarsoon.

COMMENTS
Latest News