qorilugudnews24.com
Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Wakiilada Ee Somaliland Oo Gaadhigiisii Lagu Qabtay Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer, Gaadhigaas Oo Sidey Hub Iyo Rasaas.
July 18, 2019 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Xildhibaan Maxamed Liibaan Cumar (Xaadhay) Oo Ka Mid Ah Golaha Wakiilada Ee Somaliland Ayaa Gaadhigiisii Lagu Qabtay Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer, Gaadhigan Oo Sida La Sheegay Sidey Hub Iyo Rasaas Sharci Darro Ah Oo Fara Badan, Kuwaas Oo Lagu Wadey Deegaano Hoos Yimaada Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag, Halkaas Oo Ay Maalmihii U Dambeeyey Ay Ku Dagaalamayeen Laba Beelood Oo Walaalo Ah.

Gaadhiga Xildhibaan Xaadhay Oo Afartii Maalmood Ee La Soo Dhaafay Ku Xidhnaa Saldhigga Dhexe Ee Magaalada Burco Ayaa Waxa La Socdey Saddex Nin Oo Uu Hubkaasi Gaadhigu Sidey, Waxana Saaka La Hor Keenay Maxkamadda Degmada Burco, Balse Weli Maxkamaddu Wax Go’aan Ah Kama Soo Saarin Raggan Iyo Hubka Ay Siteenba.

Mulkiilaha Gaadhigan Ee Xildhibaan Maxamed Liibaan Cumar (Xaadhay) Ayaan La Socon Gaadhiga Wakhtigii La Qabtay, Waxana Warkaasi Xaqiijiyey Ilo-Wareedyo Muhiim Ah, Oo Iyagu Ka Hawl- Gala Xarunta Golaha Wakiilada Ee Magaalada Hargeysa Iyo Bahhda Cadaaladda Ee Gobolkaasi Togdheer.

Geesta Kale Xukuumadda Somaliland Iyo Laamaha Ammaanka Ayaan Weli Ka Hadal Gaadhigan Xildhibaanka Iyo Hubkii Saarnaa Ee Hadda Ku Xidhan Saldhigga Dhexe Ee Magaalada Burco, Kaas Oo La Doonayey In Lagu Sii Huriyo Colaadda 4 Jirsatey Ee Ka Taagan Deegaanada Degmada Ceel-Afweyn.

 

Gaadhi Uu Leeyahay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Lagu Qabtay Hub Iyo Halka Lagu Waday Hubka.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News