qorilugudnews24.com
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadallo Deel-Qaaf Ahaa Oo Ka Soo Yeedhay Maamulka Muqdisho.
July 18, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Guddida Uu Shalay Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Muqdisho Nuxurka Hawsha Uu U Igmaday Waxaay Ahayd Laba Qodob, Kuwaas OOo Kala Ah:

1. In Xal Waara Oo Midho Dhal Ah Laga Gaadho Tabashooyinka Walaalaheena Somaliland.

Waxa Wanaagsan In Qofka Masuulka Ah Ay Carrabkiisa Iyo Camalkiisu Is Waafaqaan, Tan Iyo Intii Uu Maamulka Farmaajo Tallada Dalkaasi Soomaaliya Qabtay, Waxa Uu Jamhuuriyadda Somaliland Ku Soo Qaaday Weerar Siyaasaddeed, Dhaqaale, Bulsho, iyo Mid Diblomaasiyadeed, Iyaga Oo Meel Kasta Oo Ay Somaliland Ka Hesho Taageerada Mashaariicda Horumarineed, Maalgelinta Marsada Berbera Iyo Iibka Xoolaha Somaliland-ba Ku Ah Duulimaad. Sidaa Awgeed Isma Qabanayso Ficilladaada Cadowtinimo Iyo Tiraabta Weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi Waa Ilmadii Yaxaaska.

Jamhuuriyadda Somaliland Tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhey waxay kaga Garnaqsan kartaa oo keliya Fagaare Caalamiya oo Ay Bulshada Caalamku Goob-Joog ka tahay balse Maamulka Cadowga Ah Ee Farmaajo Xalin Tabasho Nagama Dhaxayso, Ee Garnaqsi Laba Dal Ayaa Noo Dhexeeya. Caqliga Saliimka Ahina Dhigimaayo In Cadowgaagu Ku Weydiiyo Tabasho, Balse Wuxuu Ku Farayaa In La Iska Celiyo.

2. Qodobkiisa Labaadna Wuxu U Dhignaa Xaqiijinta Mabaa’diida Federal-ka.

Jamhuuriyadda Somaliland ma Kkuseeyo Hawlaha Federal-ku, Dib U Xasuuso Taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn Laba Dal oo kala Madax-Bannaan Caalamkuna Aqoonsan Yahay, Isla Markaana Ku Midoobey Baadi-Goobka Shantii Soomaaliyeed, Balse 1991-kii Midowgaasi Wuu Burburay, Ilaa 1991-kiina Waxa Aynu Nahay laba Dal Oo Kala Madax-Bannaan, Waxaanad Tihiin Federal-ka Soomaaliya, Annaguna waxaanu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, Idinka Ayuu Federal-ku Gaar Idiin Yahay.

Sidaa Daraadeed, Magacaabida Guddidaasi Waxa Ka Muuqda Gef Siyaasi Ah, Somaliland-na Wixii Gudaheeda Ah Iyadaa Dhammaysata, Cadowgeedana Waxa Ay U Jawaabtaa Iyada Oo Midaysan, Muwaaddinka Somaliland-na Kama Suurowdo In Uu Gadhwadeen U Noqdo Cadowga Dalkiisa.

Haddaba, Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Waxa Ay Qabsoomi Karaan Keliya Marka Ay Soomaaliya Garwaaqsato in Midnimadii Labada Dal Ay Burburtay 1991-kii, Ilaa Maantana Aynu Nahay Laba Dal Oo Kala Madax-Bannaan Muddo 28-Sanndood Ah, Oo Jaarnimo Keliya Wadaaga.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
Latest News