qorilugudnews24.com
Mid Ka Mid Ah Boogihii Ugu Dhibta Badnaa Qarankani Ee Uu Dhayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Qore: Ex-Wasiir Cali Mareexaan.
August 11, 2019 - Written by qoriadmin

Mid Ka Mid Ah Boogihii Ugu Dhibta Badnaa Qarankani Ee Uu Dhayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelatay Xil-Wareejintii 2010 .Qore: Ex-Wasiir Cali Mareex.

27.07.2010-kii waxay ahayd Maalintii Ay Madaxweyneyaashii Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo Xukunka la kala wareegeen. Waxaa Munaasibaddii Caleemo saarka ka soo qayb-galay Wefti ballaadhan oo ka yimi dalka Kenya, oo ka kooban baarlamaan, siyaasiyiin Caan ah iyo ganacsato Waaweyn. Waxaa Hoggaaminayey Faarax Macallin oo markaa ahaa Guddoomiye Ku-Xigeenka baarlamaanka Kenya.

Weftigaasi waxay wateen diyaarad khaas ah oo ilaa 80 qof qaada, waana iska lahaa Col. Farax oo ah ganacsade caan ka ah bariga Africa isaga ayaana diyaarada duulinayey oo ka ahaa pilot.

Subaxii markii la isugu yimi xafladdii caleemo saarka Col. Faraax wuxuu nooga sheekeeyey aniga iyo masuuliyiin kale shil ku dhacay diyaaradiisii markii ay Hargeysa soo caga dhiganaysay. Wuxuu yidhi “Runway-ga Garoonka Hargeysa waxaa Ka qodan Godad waaweyn oo aad Baliyo moodo oo aad u fara badan, dhererkiisuna wuu gaaban yahay. Markii aan soo caga dhiganayey waxaan cagta la heley God weyn diyaaradiina way sigatay iminka shakalada ayaa mid Qarxay oo saliid fara badan ayaa ka qubanaysa” wuxuu intaa noogu daray waxoogaa canaan ah wuxuu yidhi “Caasimadna waa sheeganaysaan Airport-kiiniina waa sidaa. Waxaan idin kula talinayaa in waxa ugu horeeya ee aad qabataan uu ahaado dhismaha Airport-ka”

Su’aal ayaan waydiiyey oo ah bal iminka inuu dib ugu duuli karo ilaa Nairobi waxaanu ii sheegay in uu ilaahay tawakalayo.

Laba bilood ka dib ayaan tegey Nairobi Col. Farax ayaa gurigiisa nagu casuumay waxaana goobta fadhiyay AHN Indhabuur oo ahaa wakiilkii JSL ee Kenya, AHN Blacki oo ahaa wakiilkii SNM ee Kenya xiligii halganka, Duur, Waabeeyo iyo Aniga, waxaan waydiiyey sida uu diyaaradii u soo fadhiisiyey.

Wuxuu yidhi” iyada oo saliidii sidaa u daadinaysa ayaan cagaha dhulka ugu dhuftay. Ilaahay waxba naguma yeelin”

Siilaanyo wuxuu xukunka wareejiyey Airportkii oo aad u dhisan oo ay fadhiisan karaan Airbus 380 double-deck ama Boeing 747 Jumbo jet. Afar shirkado diyaaradood oo caalami ahina ay isticmaalaan.

Qore: Ex-WasiirCali Hassan(Cali Marexan)

COMMENTS
Latest News