qorilugudnews24.com
Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Oo Hambalyo U Diray Shacabka Iyo Madaxda Reer Somaliland Munaasibadda Ciidul-Adxada Awgeed.
August 11, 2019 - Written by qoriadmin
Nairobi-(QorilugudNews24)-Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Kenya Amb Baashe Cawil Oo Hambalyo U Diray Shacabka Iyo Madaxda Reer Somaliland Munaasibadda Ciidul-Adxada Awgeed.

HAMBALYADA CIID AL-ADXA:

Madaxweynaha Qaranka JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, M/Ku-Xigeenka Mudane Cabdirahmaan Ismaaciil Saylici iyo Marwooyinkooda, Golaha Barlaamaanka, Asxaabta Qaranka, Ciidanka Naftood hurayaasha ah, Culimada, Madaxda Dhaqanka, Aqoon-Yahanka, Iyo Qaybaha Kale Duwan ee Bulshada Reer Somaliland, Waxaan idinku Hambalyeynayaa Munnaasibadda Ciidul-Adxa oo Ku Beegan Maalinta Berito Ah.

Sidoo kale Waxaan Eebe Waydiisanaynaa Inuu Dhammaan Ummadda Muslimiinta Ah Ee Maanta Carafo Taagan Gudashada Acmaasha Xajkooda ka Yeelo Mid Alle SWC Uu U Aqbalay Inta Soomana Soonkooda Ka Yeelo Mid Loogu Dambi dhaafo, inta dhibana dhibta ka kor qaado.

Ugu Dambayntii Guud Ahaan Ummadda Muslimiinta ah Gaar Ahaan Bulshada Reer Somaliland Meel Kasta Oo Ay Dalka Iyo Dibedba Ka Joogaanba Waxaan Leeyahay Hambalyo Kullu-Caam Wa Antum Bil-Khayr. Ku Gaadha Ciidaa Ciideeda Nabad Iyo Barwaaqo.

CIID MUBARAK

Amb Bashe Awil Hajji Omer.

Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya.

Image may contain: 1 person, smiling, standing and suit

COMMENTS
Latest News