qorilugudnews24.com
Dabley Hubaysan Oo Ka Mid Ah Maleeshiyo-Beeleedka Korneyl Caarre Oo Saaka Weerar Gaadmo Ah Oo Fuleynimo Ku Soo Qaaday Meherado Ku Yaalla Badhtamaha Degmada Ceel-Afweyn Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.
August 12, 2019 - Written by qoriadmin

Ceel-Afweyn-(QorilugudNews24)-Dabley Hubaysan Oo Sida La Xaqiijiyey Ka Mid Ah Maleeshiyo-Beeleedka Uu Hoggaamiyo Korneyl Caarre Ayaa Saaka Waaberigii Weerar Gaadmo Ah Oo Fuleynimo Ku Soo Qaaday Meherado Ku Yaalla Badhtamaha Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag, Weerarkaas Oo Dhaliyey Dhimashada 3 Dumar Ah Iyo 2 Nin, Halka Ay Ku Dhawaacantay Ilaa 4 Qof Oo Kale, Kuwaas Oo Hadda Dhaawacooda Lagu Dabiibayo Cusbitaalka Guud Ee Degmadaasi Ceel-Afweyn.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News