qorilugudnews24.com
Xukuumadda Somaliland Oo Looga Digayo Hab-Dhaqanka Guracan Ee Ciidamada RRU-da Ee Ay Ku Daabushay Degmada Ceel-Afweyn, Kuwaas Oo La Xaqiijiyey In Ay La Safteen Beel Ka Mid Ah Beelaha Ku Dagaalamaya Deegaanada Degmadaasi.
August 12, 2019 - Written by qoriadmin

London-(QorilugudNews24)-Xukuumadda Somaliland Ayaa Looga Digey Hab-Dhaqanka Guracan Ee Ay La Soo Baxeen Ciidamada RRU-da Ee Ay Ku Daabushay Degmada Ceel-Afweyn, Kuwaas Oo La Xaqiijiyey In Ay La Safteen Beel Ka Mid Ah Beelaha Ku Dagaalamaya Deegaanada Degmadaasi Ceel-Afweyn, Ciidamadaas Oo Laga Dayriyey Qaab-Dhismeedkooda, Isla Markaana Dhinac Ka Rararan, Ayaa La Sheegay In Ay U Badan Yihiin Hal Beel, Marka Laga Qiyaas Qaato Tiradooda Iyo Taliskoodaba, Ciidankaas Oo Uu Markii Hore Hindisahooda Iska Lahaa Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Dawladdii Madaxweyne Axmed Siilaanyo Mr. Maxamed Nuur Carraale Duur, Ayaan Ilaa Iyo Iminka Wax Muuqda Laga Bedelin Dhismahooda Iyo Taliskooda Toona, Arrintaas Oo Dhalisay Doodo Iyo Dareeno Kala Duwan, Waxaana Isa Soo Taraya Walaaca Ka Imanaya Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan Ee Reer Somaliland, Waxaana Meesha Ka Baxday Gebi Ahaanba Kalsoonidii Laga Qabey Ciidankaasi RRU-da, Kadib Markii Uu Ciidankaasi Lumiyey Dhex-Dhaxaadnimadii Ciidanimo Iyo Waajibaadkii Dawladnimo Ee Uu Qaranku U Igmaday, Lana La Saftay Beel Ka Mid Ah Beelihii Ku Dagaalamayey Deegaanada Gobolka Sanaag, Isla Markaana La Xaqiijiyey In Ay Gacansiinayeen Maleeshiyo-Beeleedkii Saaka Weerarka Gaadmada Ah Ee Fuleynimo Ku Soo Qaaday Meherado Ku Yaalley Badhtamaha Degmadaasi Ceel-Afweyn, Weerarkaas Oo Sababay Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac.

Ugu Dambayn Waxa Xukuumadda Somaliland Loogu Baaqayaa In Ay Ciidankaasi Si Deg Deg Ah Uga Saarto Guud Ahaanba Gobolka Sanaag, Gaar Ahaana Dhammaan Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Ceel-Afweyn, Haddii Kale Waxa Aan Shaki Ku Jirin In La Iska Celin Doono Ciidankaas, Isla Markaana Loo Aqoonsan Doono Ciidan-Beeleed Ku Soo Duuley Deegaanka, Kaas Oo Beel Gaar Ah La Safan, Arrintaas Oo Aan Intaas Ka Badan Loo Sii Dul-Qaadan Karin.

Waxa Kale Oo Aanu Halkan Digniin Kama Dambays Ah Uga Diraynaa Dadka Qurba-Jooga Ah Ee Caadeystey In Ay Dhaqaale Ku Bixiyaan Dhibaatada Ka Taagan Deegaanada Gobolka Sanaag Iyo Degmada Ceel-Afweyn, Isla Markaana Qabyaaladda Qadhmuum Ee Daxaleysatey La Soo Hor Yuurura Qaybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta Iyo Baraha Internet-Ka Ee Ay Bulshadu Ku Kulanto, Haddii Kale Ha U Diyaar Garoobeen Dagaal Aan Dhammaad Lahayn Oo Aanay Mahadin Doonin Iyo In Cid Waliba Dhaqaale Iyo Xoogba Ku Bixin Doonto Dhibaatada Ay Iyagu Horseedka Ka Yihiin Ee Ay Dabkeeda Hurinayaan, Buunkeeda Afuufayaan.
Wa Billaahi Towfiiq.
By: Cabdalla Cali Jookar (Keef-Keef).
London, UK.

COMMENTS
Latest News