qorilugudnews24.com
Khabiir Caalamiya Oo Isbarbar-Dhigay Masaafada Dhulalka Ay Ka Kala Taliyaan Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Somalia
August 14, 2019 - Written by qoriadmin

Berbera-(QorilugudNews24)- Michael Rubin Oo Ah Xeel-Dheere Military Iyo Aqoon-Yahan Maraykan Ah Ayaa Isbarbar-Dhigay Baaxadda Iyo Dhererka Dhulka Ee Ay Ka Kala Taliyaan Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Soomaaliya, Muuse Biixi Cabdi Iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Oo Uu Tilmaamay In Aanay Shaqo Isku Laheyn Isla Markaana Aanay Isku Duruuf Ahayn.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Khabiir Michael Rubin Maanta ku baahiyey Wargeyska Siyaasadda Falanqeeya The Hill Oo Uu Fadhigiisu Yahay Maraykanka.

Soomaaliya:

Mr. Rubin Wuxuu  Xusay In Madaarka Muqdisho Oo Ah Khadka Cagaaran Ee Dalka Soomaaliya Uu Yahay Mid Aad Loo Ilaaliyo Oo Qaali Ah, Iyada Oo Tobanaan Sanno Ay Soomaaliya Ka Jirtey Sharci La’aan Iyo Xasilooni Darro.

Waxaanu intaas ku daray in wax kastaa ka dhici karaan Muqdisho. Waxaanu ku dooday  in  ashkhaas kooban  oo ka mid ah dadka shisheeyaha ahi ay dibadda uga bixi karaan Madaarka Muqdisho, iyagoo ay la socdaan ilaalo aad u hubaysan. Waxa kaloo uu iftiimiyey in diblomaasiyiinta ku sugan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Maraykanka iyo Yurub ay u furan tahay inay ku sugnaadaan Madaarka Muqdisho gudihiisa ama inay iska joogaan Kenya.

Somaliland:

Magaalada Dekedda Ah Ee Berbera Arrimaheedu way ka duwan yihiin Soomaaliya Waxaana Laga furay Hudheello Cusub, Waxaana Is Dhex-Galay Bulshada iyo Dadka Shisheeyaha Ah Oo Magaalada Ku Wada dhaqan.

Sidoo kale, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxay Sarifleyaashu Saxaaradahooda Lacagta kaga hoydaan dibedda.

Michael Rubin wuxuu intaas raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax falal Argagixiso ah ka dhicin muddo ku siman Toban Sanno, halka ay Muqdisho iyo Kimaayo joogto noqdeen Weerarada Argagixisadu.

Mr. Rubin Wuxuu Sheegay In Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Uu Ka Taliyo  dhul Masaafadiisu Dhan Tahay 50.000 Mile Oo Laba Jibaaran, Halka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Uu Ka Arrimiyo Dhul Bedkiisu Gaadhayo 50.000 Feet Oo Ah Aqalka Villa Soomaaliya.

Waxa kaloo Rubin uu sheegay in Aanay Somaliland iyo Soomaaliya isku duruuf ku sugnayn, sidaas Awgeedna Aanay habboonayn In Digniinta Socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku  soo saarto aanay  israacin Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa Kale Oo Uu Xusay In Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland Aanay  U Ogolaanin Budh-Cad Baddeeda Xeebta Somaliland Oo Dhererkeedu Yahay 450 Mile.

Cumar Maxamed Faarax

COMMENTS
Latest News