qorilugudnews24.com
Ciidamada Liyuu Booliska Ee Dalka Ethiopia Oo Rasaas Ku Furay Gaadhi Kuwa Xamuulka Ah Oo Marayey Xadka U Dhexeeya Somaliland Iyo Ethiopia Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.
August 15, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Ciidamada Liyuu Booliska Ee Dalka Ethiopia Ayaa Xalay Saddex Qof Ku Dhaawacay Duleedka Deegaanka Ina-Guuxaa Ee Ku Yaalla Xadka U Dhexeeya Labada Dal Ee Somaliland Iyo Ethiopia.
Laba Ka Mid Ah Dhaawacaas Oo Ay Xaaladdoodu Aad Culus Tahay Ayaa La Gaadhsiiyey Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa, Halkaas Oo Hadda Lagu Dabiibaayo, Dadkan Ayaa Ka Mid Ahaa Rakaabkii Saarnaa Gaadhiga Ay Rasaasta Ku Fureen Ciidamada Liyuu-Booliska Ee Dalkaasi Ethiopia.

Weli Ma Cadda Sababta Dhabta Ah Ee Ka Dambaysa In Dadkaasi La Rasaaseeyey, Ilaa Iyo Iminkana Ma Jirto Wax War Ah Oo Ka Soo Baxay Dhinacyada Ay Khusayso Ee Dawladdaha Somaliland Iyo Ethiopia.

Kala Soco Wararkayaga Dambe Wixii Warar Dheeraad Ah Ee Ammuurtaas Ku Soo Kordha.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News