qorilugudnews24.com
Wakiilka Qaramada Midoobey Oo Ka Hadlay Qodobo Uu Ku Dhiiri-Geliyey Masuuliyiinta Somaliland
August 23, 2019 - Written by qoriadmin

New York-(QorilugudNews24)-Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Mr. James Swan Ayaa Warbixin Uu Khamiistii Ka Horjeediyey Golaha Ammaanka Waxa Uu Ku Soo Qaaday Booqashadiisii U Horeysey Ee Uu Ku Tegey Somaliland Iyo Qodobadii Uu Kala Hadlay Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland.

James Swan Wuxuu Sheegay In Uu Booqasho Laba Malamood Qaadatay Ku Tegey Somalland 27-kii Ilaa 28-kii July 2019. Waxaanu Yidhi “Waxaan Booqday Somaliland 27-kii ilaa 28-kii July Ee La Soo Dhaafay, Waxaan Wada Tashiyo Isbarasho Ah La Yeeshay  Madaxda Somaliland.”

“Waxaan Ku Dhiiri-Geliyey In La Sii Wado Wada Hadalkii U Dhexeeya Dawladdaha Hargeysa Iyo Muqdisho, Si Looga Gun Gaadho Dedaaladii Hore,”Ayuu Yidhi Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Somalia.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News