qorilugudnews24.com
Qaar Ka Mid Ah Cuqaasha Somaliland Ee Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xamar Ka Degey Kadib Markii Al-baabka Madaxtooyada Laga Soo Xidhay.
September 10, 2019 - Written by qoriadmin
Hargeysa-(QorilugudNews24)-Cuqaashii Ciidagale Baabi’isay Oo Jilbaab Kaga Dhoofay Madaarka Cigaal International Airport, Iyaga Oo U Kicitimay Magaalo Madaxda Maamulka Villa Somalia Ee Muqdisho. Waxaanay Hormood U Ahaayeen Cuqaashii Xirsi &amb; Ina Xaashi Ciidagale U Adeegsan Jireen.
Labadan caaqil oo ka mid ah cuqaashii reerka hor boodayay 7-dii sanno ee Xukuumaddii Siilaanyo, waana nimankii guryaha ka dhistay masaakiintii taarka Madaarka laga raray. Waa niman ku caan baxay hadba halka qadhaabku ka galo, waana niman mabda’ooda Shilimo ku Iibsada. Kulmiye ayay ahaayeen laakin mabda’ kumay ahayn keliya qabax qaadasho ayey ku ahaayeen. Waayo mabda’oodii waxay kaga tageen kadin laga celiyey oo Maxamed kaahin-na ka diiday hawl ay ka rabeen fulinteeda, markaas ayey WADDANI isku shubeen.
Markay tan carabka mariyeen ayay maantana doonayaan inay Xamar-na carabka soo mariyaan, iyaga oo Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Somalia ugu tegey inuu u geeyo Farmaajo &amb; jaaliyadaha Qatar si ay gacanta u soo mariyaan.
Markaan soo Ururiyo nimankaa mabda’oodu waxa weeye hunguri iyo afkooda oo ay ku shaqo tagaan, Waxaanay suuqa gashadeen war odhanaya waxaanu Xamar u tagnay MAG, taas oo aan sal iyo raad toona lahayn. Waayo haday dhab tahay waxay sii kaxaysan lahaayeen Odayaasha reer Oo ay u horeeyaan inanka Aabihii iyo Adeeradii.
Hore-na umay dhicin MAG Xamar laga soo qaato waayo ninka ku dhinta wuxuu ahaa dameer bakhtiyay.. Markaan duluc-da hadalkayga u soo daadago xaqiiqada safarkani wuxuu daaranyahay xidhiidh ay ka heleen Dawladda Qatar arintaas oo macneheedu yahay mijo xaabinta
jiritaanka Somaliland. Sidaynu ognahay Somaliland waxay saaxiib dhaw la tahay dawladda Imaaradka, imaaraadka iyo qatar-na waxa u dhexeysa xurguf siyaasadeed iyagoo isku haya dano dhaqaale iyo dilaalis qaan-gaadhay.
Sidaa darteed cuqaashan waxay dawladda Qatar u adeegsanaysaa ka shaqaynta arimo lid ku ah qaranimada jamhuuriyadda Somaliland. Cuqaashani waxay hor dhac u yihiin cuqaal tiro badan oo ka daba tagi doonta, kuwaas oo la mabda’a ah watana fikirka dawladda qatar ee lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland.. Ugu denbeyn waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha, wasiirka arimaha gudaha iyo laamaha amaanka inay sharciga mariyaan haddii kale waxay noqon doontaa waddo
inagu furantay..
Allaa Mahad leh..
Qore : Garaad Mahad Maxamed Cabdi.

COMMENTS
Latest News