qorilugudnews24.com
Iran Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Eedo Uu Maraykanku U Soo Jeediyey
September 17, 2019 - Written by qoriadmin
Tehran-(QorilugudNews24)-Iran Ayaa Hadalka Maraykanka Ku tilmaantay ” Waxba Kama Jiraan” kaddib Markii Uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Mareykanka  Mr. Mike Pompeo Uu Sheegay In Tehran Ay Ka dambeysey Weeraradii Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Ee Dhawaan Lagu Qaaday Laba xarumood Oo Saliida Laga Soo Saaro, Kuwaas Oo Laga Leeyahay Dalkaasi Sacuudi Carabiya.

Mr. Pompeo ayaa beeniyay sheegashada xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran oo ah inay fuliyeen weerarada.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Javad Zarif ayaa yiri “eedaynta Iiraan ma joojinayso musiibada” ka jirta Yemen.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in shaqo joojinta Sabtidii ay hakisay wax soo saarkii Saliidda 5.7 Milyan oo Barmiil Maalintiiba.

Waxaa aad isha looga hayaa suuqyada markay dib u furmaan maanta oo Isniin ah, iyadoo khubaradu ay filayaan in sare u kac uu ku yimaado qiimaha shidaalka.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynahii hore ee Dalka Yemen, Sannadkii 2015-kii, xuutiyiinta ayaa dagaal kula jiray isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo iyo xulafada reer galbeedka.

Waxayna sheegeen iney 10 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen weerarki Sabtidii lagu qaaday labada Wersheddood ee Saliida oo kala ah Abqaiq iyo Khurais.

Balse Mr. Pompeo waxaa uu sheegay “inaysan jirin caddeyn” ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka yimaadeen Yemen, taas beddelkeedana wuxuu Iran ku eedeeyay iney weerarkaasi ka dambeysay.

Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay weeraro kale oo sanadkan lagu qaaday xarumo shidaal oo ku yaalla deegaannadan, iyada oo ay jirto xiisad ka dhalatay go’aankii madaxweyne Donald Trump oo uu dib cunaqabateyn ugu soo rogay ganacsiga saliidda Iran, kadib markii uu ka baxay heshiiskii caalamiga ahaa oo xaddidayay mashruuca niyuklieerka Tehran.

Iraan maxay ka tiri eedda uu Mareykanka uu u soo jeediyey?

Mr Zarif, Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran oo hadal jees jees ah ku qoray bartiisa Twitter-ka oo uu kaga jawaabayo eedda Mareykanka wuxuu yiri, “markii uu ku guul darreystay cadaadiski ugu adkaa uu Iran saaray, xoghaye Pompeo wuxuu u weecday khiyaanadi ugu weyneyd”.

“Waxa maanta ka socda gobolka, oo sidoo kale welwel aad u weyn ku abuurtay caalamka, ayaa waxaa sabab u ah siyaasadaha qalafsan ee Mareykanka” ayuu yiri.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in ka hortagga “gardarada” Mareykanka ay tahay waddada kaliya ee lagu xaqiijin karo xasiloonida gobolka.

BBC

COMMENTS
Latest News