qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Diyaarad Ay Leeyihiin Militariga Dawladda Imaraadka Carabta Oo Maanta Soo Cago-Dhigatay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Berbera, Taas Oo U Quus Goysey Beentii Al-Jazeera Iyo Villa Somalia.
September 17, 2019 - Written by qoriadmin

Kuvan mahdollinen sisältö: lentokone

Berbera-(QorilugudNews24)-Diyaarad Ay Leeyihiin Militariga Dawladda Imaraadka Carabta Ayaa Maanta Soo Caga Dhigatay Garoonka Caalamiga Ah Ee Berbera International Airport, Kaas Oo Ay Imaraadka Carabtu Dib U Dhis Aad U Ballaadhan Ku Sameeyeen.
Arrintaas Oo Ay Dawladda Imaaraadka Carabtu Ugu Quus-Goynaysey Beentii U Weyneyd Iyo Dacaayadihii Raqiiska Ahaa Ee Ay Beryahanba Faafinayeen Idaacadda U Shaqeysa Argagixisada Caalamiga Ah Ee Aljazeera Iyo Maamulka Taagta Darran Ee Lagu Ilaaliyo Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho Ee Villa Somalia, Kuwaas Oo Todobaadkanba Afuufayey Warar Been Abuur Ahaa Iyo Dacaayo Raqiis Oo Ka Dhan Ah Xidhiidhka Soo Jireenka Ah Ee U Dhexeeya Labada Dal Ee Somaliland Iyo Isu-taga Imaaraadka Carabta.

Tallaabadan Ay Qaaday Dawladda Imaraadka Carabtu Ayaa Ahayd Mid Ay Kaga Jawaabayso Warbixin Uu Baahiyey Televesion-ka Aljazeera, Taas Oo Lagu Sheegay In Ay Dawladda Somaliland Ka Noqotay Heshiiskii Ay La Gashay Dawladda Imaraadka Carabta Iyo sidoo Kale Maamulka Villa Somalia Oo Isna Dhankiisa Ka Sheegtay In Ay Iyagu Ka Dambeeyeen Oo Cadaadisna Ku Saareen Imaraadka Carabta, Kana Hor Istaageen Dhismaha Saldhiga Military Ee Madaarka Magaalada Berbera.

Haddaba Arrimahaas Oo Dhan Bay Ka Turjumaysaa Ama Jawaab Cad U Tahay, Tallaabadan Maanta Ee Ay Diyaarada Military Ee Imaraadka Carabtu Ku Timi Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Berbera, Taas Oo Sida La Sheegay Sidey Qalabka Dhismaha Ee Dhammaystirka Garoonka Iyo Taawarada Diyaaradaha Laga Hago Oo Halkaasi Lagu Rakibi Doono.

Kuvan mahdollinen sisältö: lentokoneKuvan kuvausta ei ole saatavilla.Sawirka Jaamac Maxamed.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News