qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Wiil Dhallinyaro Ah Oo Ku Guuleystey In Uu Dilo Gorgorkii Dad-Cunka Ahaa, Kana Waramay Sidii Uu U Diley.
September 17, 2019 - Written by qoriadmin

Gaashaamo-(QorilugudNews24)-Wiil 14 Jir Ah Oo Lagu Magacaabo Iid Cawil, Ayaa Gabal-Dhicii Jimcaha Deegaanka Maygaag Jiifa Ee Degmada Gaashaamo Ku Diley Shimbirkii Duulaayey Ee Dhimashada Iyo Dhaawaca U Geystey Qaar Ka Mid Ah Dadka Deegaankaasi Gaashaamo.

Shimbirkan Ayaa Weerar Ku Soo Qaaday Wiilkan Dhallinyrada Ah Oo Markaasi Geel Caraabinaayey, Laakiin Wiilka Ayaa Iska Caabiyey Oo Ugu Dambayntiina Ku Guuleystey In Uu Dilo Shimbirkaasi Dad Cunka Ah.

Wiilkan Da’da Yar Oo Warasi Siiyey Mr. Saahid ka mid ah dhallinyarada Reer Gaashaamo, balse hadda Ku Sugan Magaalada Hargeysa, wuxuu uga waramay sida uu u diley Shimbirkan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan daba socdey Geelayaga, waxaan maqlay Guux iyo Sanqadh Weyn.

Dabadeed si Deg Deg Ah Ayaan Geed hoostii u galay, cabaar kaddib ayaan geedkii ka soo baxay, haddana waxaan isha qac ku siiyey bahalkii oo si deg deg ah baan ugu laabtay Geedkii.

Qiyaastii shan goor markaan geedka ka hoos galAy, ee aan haddana ka soo baxo markaan waayEy ayaanu ugu dambayntii barxad bannaan iska helnay.

Wuxuu u soo duuley dhankayga isaga oo labadiisa baal laabtay, jeenyihiisa iyo afkiisana soo dhuubay oo iska soo horeysiiyey, xawaare deg deg ahna ku duulaya.

Labadayda Gacmood Ayaan ka buuxsadey dhebbigii Aan Sitey, dabadeed waan u taagey intaan isula gaabiyey, labadiisii baal mid ka mid ah ayaan kala helay oo nasiib wanaag mid ka mid ah way jabtay.

Dhulka markuu u dhacey baan la dul tegey Budhkii, isaga oo dhaawac ah ayuu kolba isku dayaa inuu igu soo boodo oo uu i sigaa kolba. Ugu dambeyntii waxaan budhkii la dhacaba wuu dhintay.”

Wiilkii hadda wuxuu ku sugan yahay degmada Gaashaamo oo dadka deegaanka ayaa xoolo u Ururinaya, sidoo kalena waxaa la sheegayaa in ganacsatada qaar ugu ballaan qaadeen geel in ay siinayaan.

Hooyadii uu shimbirkani wiilkeeda cunay Maaalintii hore oo hore u aragtay, ayaa shalay la tusay, waxaanay sheegtay in Uu bahalkani yahay kii ay hore U Aragtay.

Dadka Aqoonta u leh ayaa Shimbirkan ku sheegay Baqayo Oo Ah Bahda-Galeydhka.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News