qorilugudnews24.com
UJEEDO BAAHIN: URURKA XOOJINTA QARANIMADA SOMALILAND.
September 20, 2019 - Written by qoriadmin

Sida Idiinka Muuqata Afarta Eray Ee Kor Ku Xusan, Kuwaas Oo U Taagan Ujeedada Iyo Hadafka Loo Aas-Aasay Ururkan Oo Marka La Soo Gaabiyana U Qormaysa U.Q.X.SL.

Macnayn Guud Kelmedda *Urur Waxa Ay U Taagan Tahay Dad Garab Iyo Gaashaanba Isa Siinaaya * Xoojin Waxay U Taagan Tahay, Garab Istaaga Gooni Isu-Taaga Somaliland ”Qaranimo” Waxay U Taagan Tahay, Astaan Iyo Dawladnimo Aan La Kala Lahayn ”Somalilandna” Waa Magacii Dalka Taas Oo Diinta Iyo Dadkaba U Adeegaysey.

Ururkan UXQSL Ujeedada loo aas-aasay waxa ay tahay ilaalinta Nabaddaynta iyo isu soo jiidka dad weynaha Somaliland haddiiba ay dhex marto isfahan darro iyo isfahan waa dhexdooda ka dhashay ,taas oo loo adeegsanaayo Xigmad iyo hadal wanaagsan, Waxa kale oo ururku u taagan yahay taakuleynta iyo gargaar u fidinta dadka tabalaysan intii karaankooda ah.

Aqoon-yahanka ururka ku bahoobey waa kuwo ku kala nool dunida dacaladeeda, sidaas oo ay tahay haddana waxa aad moodaa in Ay Ardaa Geel Caanii ku wada cabayaan iska warhaynta iyo isweheshiga ka dhaxeeya Aawadii.

Ururkan cid kasta oo la Jaanqaadi kartaa waa ay ku soo biiri kartaa, marka laga reebo qoom iyagu si dadban iyo si toosaba uga soo horjeeda Qaranimada iyo Wada-jirka Somaliland.

Ururku waxa uu dhawaan doortay Guddiyo ka hawl-geli doona horumarka Ururka iyo garab Istaaga Qadiyadda Somaliland.

MAGACYADA GUDDIDA

  1. Khadar Ibrahim Aar Guddoomiye

2. Saamiya Maxamed Ismaciil (Saamiya Fiishar) Guddoomiye Ku-Xigeen

3. Mire Ismaciil Aadan , Xoghayaha Guud Ee Ururka

4. Nimcaan Maxamed Daba-Ka’eri,Afhayeenka Ururka

5. Sucaad Cali Yuusuf , Khasnajiga

6. Kawsar Aadan Muxumed Xubin, Ahna Guddida Anshaxa.

7. C/Qaadir Cali Xasan, Xubin Guddida Anshaxa Ah.

8. Siciid Ismaciil Muuse, Xubun Guddida Anshaxa Ah.

ALLAA MAHAD MEH

COMMENTS
Latest News