qorilugudnews24.com
Guddoomiye Cirro Waxa Uu Si Toos Ah Ula Dagaalamayaa Midnimada Somaliland, Waxa Uu Shirka Waddani Soo Dhex-Dhigay Kursi Uu Ku Magacaabay Maamul-Goboleedka Khaatumo!!!.
September 30, 2019 - Written by qoriadmin

Guddoomiye Cirro Waxa Uu Si Toos Ah Ula Dagaalamayaa Midnimada Somaliland, Waxa Uu Shirka Waddani Soo Dhex-Dhigay Kursi Uu Ku Magacaabay Maamul-Goboleedka Khaatumo!!!.

Kuvahaun tulos haulle cirro iyo galaydh photos

Su’aasha Isweydiinta Mudan waxay tahay, waa maxay danta ugu jirta Guddoomiye Cirro in uu shicibka Naf iyo Maalba ku waayey dib u soo celinta Xoriyaddoodii ka luntay Lixdankii, uu u muujiyo in aanay isaga qiimo buuran ugu fadhiyin. Su aasha jawaabteeda inta aynaan u gudo gelin bal aynu dib u eegno, waxa uu guddoomiye Cirro ku darsaday dhismaha Somaliland.
1990 bishii April aniga oo qaxooti Ah Ayaan waxa aan tegey Moosko, Ee Midowgii Soofiyati. Waxaa la ii sheegay in ay jiraan niman mukhalasiina oo safaaradda soomaaliya ka shaqeeya, Kuwaas oo kuu raadinaaya guri aad Moosko ka dEgto, iyo fiiso aad ku tagto waddamada reer galbeedka ah.
Nimankii safaaradda ka shaqaynayey waan la kulmay, way ila gorgortameen, waxaanay goor galab ah I geyeen guri ku yaalla Geeska Moosko oo saddex Makhsina . Gurigii markaan galay waxaan kula kulmay konton qof oo saddexdaas Makhsin dhammaantood laga kireeyey, oo qof kastaaba uu ku dagaalamayo meel uu dhinaca dhigo.
Nimankii shaqaalaha ka ahaa Safaaradda soomaaliya ee Moosko waxa ay dad badan ka Urursadeen lacag aad u badan, oo ay gurigaa ku Ururiyeen, fiisaha Yurubta galbeedna ugu ballan qaadeen, hase yeeshee dadkaasi oo isugu jirey Xaasas Carruur wata iyo dad caadiyaba lacagtoodii dib umay Arag.
Guddoomiye Cirro waxa uu safaaraddaa ka ahaa Qunsul, waxa uuna shaqadaa sii joogey xitaa waqtigii dawladii siyaad barre ay Meesha ka baxday. Safiirkii oo ahaa Mareexaan waxa uu kaga tegey gudoomiye cirro oo isagu weli Meesha sii jooga.
Waxyaabaha aynu guddoomiye cirro ku Xasuusanayno waxaa ka mid Ah 12-kii Sanno ee uu
barlamaanka guddoomiyaha ka ahaa. Muddadaas oo uu baarlamanku ka baxi waayey khilaaf, iska daa sharci uu sameeyo. Waxa aynu xusuusan nahay inta goor ee xaaji cabdi waraabe allah ha u naxariiste iyo haldoorkii Somaliland dhex-dhexaadinta ka galeen.
Gudoomiye ciro waxa uu meelkaga dhacay maalinti wayneyd ee 18-KII May ee Aynu hanti iyo dadba ku weyney soo celinteeda, yidhina aniga imaanshahayga ku Xalaaloobi mayso, maqnaanshahaygana ku Xaarantimoomimayso.
Gunaanadkii, sababta hadalkaa ka yeedhsiisay xushmayn la’aanta ah Maalintii la soo noqoshada Qaranimada Somaliland iyo Maanta oo uu shirkii xisbiga waddani ku lahaa burco uu soo dhexdhigay Kursi uu ku qoray Maamul-Goboleedka Khaatumo, Sababtu Waxa Ay Tahay : Cirro oo
Aaminsan In Uu  tartanka jagada Madaxweynenimo ku heli karo oo keliya codka uu ka helo Qabiilkiisa iyo Codka dadka Aan Taageersanayn Madaxbanaanida Somaliland, oo uu u muujiyo cirro ahaan in isagu aanu Somaliland Taageersanayn.
Haddaba Cirro Arrinka uu Maanta ka wado Somaliland iyo kii uu ka wadey Moosko 1990, way isu Eeg Yihiin. waxaana ku waajib Ah Dawladda Somaliland Iyo Labada baarlamaan in la soo saaro xeerka Sharuudaha uu buuxinaayo Ninka Somaliland Madaxweyne Ka Noqonaya, iyo in Siyaasadda laga Mamnuuco Shakhsigii Xamar Ka Soo Shaqeeyey.
Qalinkii : Eng Mohamed Haibe Hersi

COMMENTS
Latest News