qorilugudnews24.com
Ilhan Omar Oo Dacwad Furiin Ah Ka Gudbisey Saygeeda Axmed Xirsi Iyo Sababta Ka Dambaysa.
October 8, 2019 - Written by qoriadmin

Ilhan Omar Oo Ah Gabadh Asalkeedu Somali Yahay Oo Ka Tirsan Aqalka Looga Arrimiyo Dalka Maraykanka Ee [Congress-ka] Ayaa Dacwad Furiin Oo Ka Dhan Ah Saygeeda Axmed Xirsi U Gudbisey Maxkamad Ku Taalla Gobolka Minnesota Ee Dalka Maraykanka.
Dooda ku saabsan dacwada furiinka soo bilaabatay bishii Augusto ayey ku sababaysey Wada-Noolashahoodii Qoyska oo adkaaday, taas oo keentay in ugu dambeyntii ay furiinkan dalbato

“Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay Maxkamadda Minnesota u gudbisey Ilhan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ilhaan Omar xidhiidh uu kala dhaxeeyo Nin lagu MagacaaboTimothy Mynett, Kaas Oo Qayb Ka Ahaa Ololaheedii Doorasho ee ka mid noqoshada Congress-ka Maraykanka.

Ilhaan 37 ah iyo Ninka ay kala tegeyaan Axmed Xirsi ayaa isu dhalay Saddex Carruur ah, iyaga oo is guursadey sannadkii 2002-dii, hasse ahaatee waxaa la sheegay in ay mar ay kala tageen guurkoodii hore kaddib, balse dib isugu soo laabteen sannadkii 2018-ka.

Warkan ku saabsan khilaafka lamaanahan oo Bilihii ugu dambeeyayba si weyn loo hadal hayey ayaa u muuqda mid hadda soo dhammaaday kaddib markii ay Ilhan Omar ugu dambeyntii dalbatay kala taga Ninkeeda Axmed Xirsi.

Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horeysey ee Muslim Xijaab xidhan ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.

COMMENTS
Latest News