qorilugudnews24.com
Jarmalka Oo Ka Hadlay Cilaaqaadka Ay La Leeyihiin Somaliland Iyo Guddida Maal-Gashiga Ee Malaysia Oo Danaynaya Maal-Gashiga Dalka Somaliland.
October 16, 2019 - Written by qoriadmin

Nairobi-(QorilugudNews24)-Dawladda Dalka Jarmalka Ayaa Sheegtay In Ay Sii Wadayso Mashaariicda La Xidhiidha  Horumarinta Ee Ay Ka Waddo Jamhuuriyadda  Somaliland.

Siduu baahiyey Wargeyska East African Business Week, Oo Ay Soo Xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland Ee SOLNA, Danjire Ku-Xigeenka Jarmalka Ee U Fadhiya Kenya, Mr. Marcus Bollmohr Ayaa Sheegay In Cilaaqaadka ay Somaliland la leeyihiin uu wanaagsan yahay, waxaanu kulan la Yeeshay Wakiilka Somaliland Ee U fadhiya Nairobi Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ay ka wada hadleen  kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Wersheddaha.

Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, wuxuu sheegay in danjire ku xigeenku uu xaqiijiyey inay sii wadayaan mashaariicda horumarinta ee ay kala shaqeeyaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu tilmaamay in dawladda Jarmalku ay door weyn kaga jirto mashaariicda horumarinta Somaliland.

Marcus Bollmohr Safiir Ku-xigeenka Jarmalka ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa dhinaciisa  caddeeyey inay Somaliland ka saacidayaan mashaariicda ay baahida u qabaan, waxaannu xusay inay ganacsatadooda  ku dhiirigelinayaan inay maalgashadaan JSL.

Geesta kalena, Guddida Maalgashiga caalamiga ah ee dalka Malaysia ayaa shaaciyey inay ka jiraan Somaliland fursado badan oo u baahan in la maalgashado, kuwaasi oo shaqo u abuuri kara  shacabka isla markaana kor u qaadi kara dhaqaalaha Somaliland.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddida Maal-Gashiga Caalamiga Ah Ee Dalka Malaysia Mr. Dato’ Arshad.

Guddoomiyaha Guddida Maal-Gashiga caalamiga ah ee Malaysia Mr. Dato’ Arshad ayaa iftiimiyey inay Somaliland ka jiraan meelo dihin oo aan weli la Maal-Gashan oo ay ka mid yihiin Dhinacyada Beeraha iyo Tamarta.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in Shirkaddaha Ganacsiga dalkiisu ay doonayaan in ay Maal-Gashadaan kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland

Dhammaad.

COMMENTS
Latest News