qorilugudnews24.com
Digniin Ku Socota Dadka Beryahan Dambe Caadeystey In Ay Sida Yeyda Uga Daba Ciyaan Eng. Cabdirashiid Riyo-Raac, Iyo Kuwa Lagu Adeegganayo Ee Ka Soo Jeeda Deegaanada Beelaha Habar-Jeclo.
October 19, 2019 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Waxa Aannu Ka Digeynaa In Ay Sii Socdaan Dacaayadaha Raqiiska Iyo Wararka Khaldan Ee Ka Dhanka Ah Eng. Cabdirashiid Maxamuud Riyo-Raac, Kuwaas Oo Ay Faafinayaan Qaar Ka Mid Ah Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Waddani Iyo Ucid Iyo Taageerayaashoodu, Kooxahaas Oo Beryahan Dambe Caadeystey In Ay Sida Yeyda Uga Daba Ciyaan Eng. Cabdirashiid Maxamuud Wacays (Riyo-Raac), Waxa Iyaguna Jira Kuwo Kale Oo Maxas Iyo Wax Ma Garato Ah Oo Ka Soo Jeeda Deegaanada Beelaha Habar-Jeclo, Kuwaas La Soo Dhex-Marsado Wararka Khaldan Iyo Dacaayadaha Raqiiska Ah Ee Ka Dhanka Ah, Hadba Cidda Beesha Tirsan Ee La Doonayo In Lagu Sameeyo Sumcad Dil Iyo Xajiimeyn, Arrintaas Oo Haddii Aan Si Deg Deg Ah Looga Tanaasulin Keeni Doonta, Dagaal Qaawan Oo Aan Waxba La Isula Reeban, Isla Markaana Aan Dhammaad Lahayn.

Waxa Kale Oo Aannu Si Gaar Ah Ugu Digeynaa Ragga Magacyada Been Abuurka Ah Sita Ee Badhaaciska Iyo Naacda La Soo Hor Fadhiya Goobaha Ay Bulshadu Ku Kalanto Ee Internet-ka Iyo Mulkiileyaasha WebSite-Beeleedyada Ay Ka Midka Yihiin, Burcoonline, Karinnews, Waxsansheeg Iyo Gebogebonews, Kuwaas Oo Dhammaantood Ku Abtirsada Deegaanada Beelaha Habar-Jeclo, Isla Markaana Ku Hawlan Waxyaabo Aad U Liita Oo Lagu Kala Fogeynayo Beelaha Habar-Jeclo, Sidoo Kalena La Soo Dhex Marsado Wax Kasta Oo Ka Dhan Ah Ama Lagu Aflagaadeynayo Dhammaan Dadka Biri Ma Geydada Ah Ee Ka Tirsan Beelahaasi Habar-Jeclo, Kuwaas Oo Mudan In La Ilaaliyo Sharftooda Iyo Karaamadoodaba.

Ugu Dambayn, Waxa Aannu Ballan Ku Qaadaynaa Haddii Ay Arrintaasi Sii Socoto Oo Laga Tanaasuli Waayo, In Aanu Fitir-Faatir U Qaadi Doono Cid Kasta Oo Aanu U Aragno In Aad Taageereyaal U Tihiin, Bannaankana Aanu Keeni Doono Siro Badan Oo Huursanaa Iyo Nin Walba Taariikhdiisa Madow Ee Dhabta Ah Ee Uu Leeyahay, Kabahana Aanu La Dulmari Doono Shaqsiyaadka Wax Ma Tareyaasha Ah Ee Aad Tuurta Ku Sidataan Ee Aad Sida Sanamada U Caabudaan, Kuwaas Oo Weliba Aanu Aqoon Durugsan U Leenahay Shiqsiyaddooda Dhabta Ah Iyo Halka Ay Dabada Ku Hayaan Ee Laga Soo Istaadho.

Wa Billaahi Tawfiiq.

By: Aarjeberti

WebNews Chief Editor.

COMMENTS
Latest News