qorilugudnews24.com
Somaliland Waxa Lacag Ka Qaata Oo Ay Futadii Iyo Calooshiiba Ku Barartay Dad Xildhibeeno Sheeganaya Oo Calooshood U Shaqayteyaal Ah, Kuwaas Oo U Baahan In Tallaabo Deg Deg Ah Laga Qaado.
October 21, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Somaliland Waxa Lacag Ka Qaata Oo Ay Futadii Iyo Calooshiiba Ku Barartay Dad Xildhibeeno Sheeganaya Oo Calooshood U Shaqayteyaal Ah, Kuwaas Oo Haddana Cid Kale Wakiilo U Ah, Isla Markaana Ku Faraxsan In Deegaamadoodii Ay Ka Soo Jeedeen Cid Kale Qaadato Oo Ka Talliso, Kaaga Darrane, Haddana Iyagiibaa Maalin Kasta Saxaafadda La Soo Horfadhiya Naxli Iyo Hadallo U Muuqda In Ay Warbin Ku Siinayaan Cidda Ay Wakiilka U Yihiin Ee Ay Somaliland U Joogaan, Waxayna Arrintani U Muuqataa In Sawir Khaldan Laga Bixinayo, Isla Markaana La Caayayo Caqliga Dadka Reer Somaliland, Taas Oo Loo Tusinayo Ummaddaha Kale In Ay Bulshada Reer Somaliland Yihiin Dad Aan Waxba Fahansanayn Oo Aan Waxba Dhaadin, Waxayna Arrintani Dib Ii Soo Xasuusisay Gabay Uu Lahaa Illaahay Ha U Naxaristee Abwaan Ibraahin Gadhle, Oo Odhanayey (Tuugu Waa Is Qariyaa, Meesha Uu Ka Xado Tulud, Tahay Buu Ka Guuraa, Ee Todobaadkan Xaajow Mid Tiriig Sitaa Yimi).
Haddaba Waxa Tuugaas Ka Dhigan Ragga Xildhibaanada Sheeganaya Ee Lacagtii Cashuurta Ahayd Ee Laga Qaaday Islaamaha Masaakiinta Ah Ee Bacadka Ku Iibinaaya Tamaandhada Yar, Mushahaarka Bil Walba Loo Siiyo, Ee Guryaha Ka Samaystay, Ee Gawaadhida Qaaliga Ah Ka Iibsadey, Ee Ay Futada Iyo Calooshu Ku Weynaatey Ee Reeraha Iyo Xaasaska Ku Yeeshay Ee Carruurta Ku Korsaday Halka Ay Kuwayagii Gidaarada Ku Darxumaysan Yihiin, Ee Haddana Ka Xishoon La’, Maalin Kastana Naxliga Iyo Badhaaciska Daaco-Qudhunka Ah Warbaahinta La Soo Horfadhiya.
Ugu Dambayn Waxa Aan Kuwaas U Sheegayaa In Uu Hadda Shacabka Reer Somaliland Dulqaadkii Ka Sii Dhammaanayo, Isla Markaana Qorshaheeda Lagu Jiro Sidii Goor Aan Fogeyn Saarka La Idiin Ka Tumi Lahaa, Waddankana La Idiin Ka Qaban Lahaa, Halkan Somalilandna Loogama Baahna Adeer Xildhibaan Cooshiis U Shaqayste Ah Oo Aan Deegaankiisii Tegi Karin Oo Haddaana Cid Kale Gacanta U Geliyey Cashuurtana Ay Ka Qaadato, Waxaanan Idin Kula Tallinayaa In Aad Si Deg Deg Ah Boorsooyinka U Xidh-Xidhataan Intaanay Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhicin Oo Waagu Idin Ku Beryin, Haddii Kale Waxa Aad Ka Heshaan Ayaad Leedihiin, Mana Dhici Doonto In Aad Mar Dambe Hargeysa Sii Dhex Fadhidaan Oo Aad Ka Soo Badhaacisaan.
Wa Billaahi Tawfiiq.
By: Aarjeberti (Digtoorka).
Seeftanacabka@gmail.com

COMMENTS
Latest News