qorilugudnews24.com
Madaxweyne Sheekh Shariif Axmed Oo Ka Digey Ciidamo Uu Sheegay In Ay Habeenkii Nabad-Sugiddu Qorto, Iyada Oo Laga Qarinayo Taliyeyaasha Kale, Isla Markaana Loo Diro Laba Dal Oo Keliya.
November 8, 2019 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Madaxweyniihii Hore Ee Dalka Somalia Sheekh Shariif Axmed Oo Ka Digey Ciidamo Uu Sheegay In Ay Habeenkii Nabad Sugiddu Qorto, Iyada Oo Laga Qarinayo Taliyeyaasha Kale, Isla Markaana Loo Diro Laba Dal Oo Keliya.
Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Ee Dalka Somalia Md. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay Khatar weyni ka soo socoto dhismaha Ciidamada qalabka sida, isaga oo xusay in Nabad-Sugiddu ay bilowday in ay Ciidamo qorato Habeenkii, Kuwaas Oo Haddana Laga Qarinaayo Taliyeyaasha Kale Ee Ciidamada Qalabka Sida, Isla Markaana Loo Diro Laba Dal Oo Keliya.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay Munaasabadda lagu daah-furayay Madasha Xisbiyada Qaran Ayaa sheegay in Aanay aqbaleyn in Ciidamo gaar ah loo samaysto in dad gaar ah lagu dhibaateeyo.

“Khatar weyn ayaa ka soo socota dhismaha ciidamada qalabka sida, ciidan habeen la qoraayo oo nabad-sugiddu qorayso oo laba dowladdood keliya loo dirayo aniga ma fahmin, ciidanka nabad-sugiddu qorayso, oo laga qarinayo taliyeyaasha ciidankaas ma waxaa loo sameynayaa inay amniga sugana, mise in ay qabtaan hawlo kuwo ka horeeyey ku fashilmeen, ciidan gaar ah oo loo sameysanayo in dad lagu dhibaateeyo annaga ma aqbalayno”ayuu yidhi Madaxweynihii hore Ee Dalka Soomaaliya Sheekh Shariif.

Inkasta oo aanu Sheekh Shariif carabaabin Labadaasi dalal Ee Ciidamadan Loo Diro, haddana waxaa horay u jirtey warar la isla dhex marayey oo sheegayey inay jiraan Ciidamo tababaro loogu qaaday dalalka Eritrea iyo Qatar, oo aan horey uga mid ahayn dalalkii Ciidamada loogu soo tababaray Soomaaliya sannadihii u dambeeyey.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News