qorilugudnews24.com
Baanka Ganacsiga Ee Dalka Itoobiya Oo Shaaciyey In Uu Laan Ka Furanayo Somaliland.
November 10, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga CBE Ee Itoobiya Mr. Bacha Gina, Ayaa Shaaca Ka qaaday In Ay Qorsheynayaan In Ay Jamhuuriyadda Somaliland Ka Furtaan Laan Cusub Sannadkan, Taasi Oo Qayb Ka Ah Himiladda Baankaas Oo Ku Taamaya In Uu Dalalka Caalamka Ka Furto Laamo Kala Duwan.

Siduu daabacay Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa Addis-Ababa oo aanu Warkan ka soo xiganey.

Waxa Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga Itoobiya oo ku sugnaa Addis-Ababa uu xaqiijiyey in Ay doonayaan in ay isu bedelaan Baan Caalamiya oo Laamo badan ku leh Dalalka Adduunka.

Mr.Bacha Gina Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga Itoobiya wuxuu sheegay in ay Astaynayaan qorshe ay laamo kaga furanayaan dalalka Somaliland iyo Sucuudiga Sannadkan, halka Dalal kalena oo aanu carabaabini ay ka furan doonaan Muddada Laba Ilaa Saddexda Sannadood Ee Soo Socda.

Baanka Ganacsiga Itoobiya waxa uu xilligan Laamo ku leeyahay dalalka Koofurta Suudaan iyo Jabuuti, Oo Ay guud ahaan ka hawl-Galaan 1516 Laamood, isla markaana uu leeyahay 22 Milyan Oo Macmiil Ah.

Somaliland iyo Itoobiya oo ah laba dal oo saaxiib ah ayaa leh Cilaaqaad iyo iskaashi la xidhiidha dhinacyada Nabad-Gelyada iyo Ganacsiga.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News