qorilugudnews24.com
“Xaaladdu Way Kacsan Tahay, Tallada U Badan Ee Socotaana Waa In Shirka Laga Soo Saaro Go’aan Lagaga Guurayo Maamulka Puntland Iyo Halka Looga Guurayo,”Boqor Cabdikariin Boqor Cali Garaad”.
November 10, 2019 - Written by qoriadmin
Badhan-(QorilugudNews24)-Boqor Cabdikariin Boqor Cali Garaad Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Bulshada Bariga Gobolka Sanaag, Ay Ka Guurayaan Gebi Ahaanba Maamulka Puntland, Kana Hadlay Xaaladdaha Siyaasaddeed Ee Ka Soo Cusboonaaday Puntland.

Boqor Cabdikariin Boqor Cali oo ku sugan Magaalada Badhan Ee Bariga Gobolka Sanaag, Ayaa sidoo kalena sheegay in Beelaha Warsangeli Shir uga socdo halkaas, Madax-Dhaqameedka iyo Aqoon-Yahanka Beeshaas.
Boqorka oo Khadka Telephone ka ugu waramay, Wariye Sagax, oo ah Suxufi Madax-Bannaan, ayaa ugu horayn wax ka weydiiyey, Mudaharaadadii iyo Xaaladdihii u daambeeyey ee deegaanadaasi, iyo weliba Isbedelka ka dhacay Hoggaanka Sare Ee Baarlamaanka Puntland.
Boqorka oo Arrimaha ka Hadlaya waxa uu yidhi, Xaalada bariga Sanaag way kacsan tahay, shacabkuna way Gadoodsan Yihiin, Shirbaana nooga socda Badhan hada, kaas oo aanu kaga Tashanayno, Masiirka iyo Ayaaha Bariga Sanaag, waxaana ka soo bixi doona Shirkayaga Go’aano lagaga Guurayo Maamul-Goboleedka Puntland iyo halkii looga guuri lahaa”.
Mar la weydiiyey Boqorka halka looga Guurayo, Maamulka Puntland inay tahay Somaliland iyo meel kale, waxa uu ku Jawaabay.
“Ka Hordhici Maayo, intaa Shirku socdo, halkaa loo Guurayo, balse waxaan kuu Sheegayaa, tallada ugu badan ee hada socotaa, Waa in laga Guuro Maamulka Puntland, oo beryahan la soo baxay Arrimo Siyaasaddeed oo ugub ku ah, bariga Sanaag, waxaana la gaadhay Xilligiii laga tashan lahaa, Maamulka Puntland”.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News