qorilugudnews24.com
Xukuumadda Somaliland Oo Maanta Albaabada Isugu Laabtay Telefishanka Xasarada Badan Ee HCTV, Kaas Oo Ay Gacanta Ku Hayaan Ciyaal Yar-Yar Oo Gebi Ahaanba Ka Arradan Dhaqanka Iyo Asluubta Suuban Ee Ay Saxaafaddu Leedahay.
November 19, 2019 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Xukuumadda Somaliland Ayaa Maanta Albaabada Isugu Laabtay Telefishanka Xasarada Badan Ee HCTV, Kaas Oo Ku Caan Baxay, Mar Kastana Ku Foogan Faafinta Warar Been-Abuur Ah Iyo Dacaayado Raqiis Ah Oo Xag Jira, Kuwaas Oo Ka Dhan Ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ayna Gacanta Ku Hayaan Ciyaal Yar-Yar Oo Gebi Ahaanba Ka Arradan Dhaqanka Iyo Asluubta Suuban Ee Ay Saxaafaddu Leedahay, Isla Markaana Laaluush Iyo Sandareero Ku Soo Qaata Duminta Dalkooda Hooyo, Kala Qaybinta Iyo Isku Dirka Bulsha Kala Duwan Ee Reer Somaliland, Iyada Oo Looga Gacan Haadinayo Meelo Kale Oo Fog Fog.
Telefishanka HCTV, Ayaa Sida La Xaqiijiyey Waxa Uu Ka Mid Yahay Warbaahinta Loo Samaystay In Lagu Baado Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, Arrintaas Oo Si Weyn U Soo Shaac Baxday Xilligii Xukuumaddii Hore Ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo, Taas Oo La Wada Ogsoon Yahay Dagaalkii Qaawanaa Uu Xukuumaddaas La Galay, Halka Uu Mulkiilaha Telefishankaasi Weli Gacanta Ku Hayo Hanti Ma Guurto Ah Oo Uu Qarankani Leeyahay, Iyada Oo Dhismaha Xarunta Guud Ee Uu Telefishankaasi Ku Leeyahay Magaalada Hargeysa Ay Tahay Hanti Qaran, Isla Markaana U Baahan In Si Deg Deg Ah Loogu Soo Celiyo Gacanta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Telefishankan Ayaa Waxa Uu Ka Mid Yahay Warbaahinta Macaashka Badan Ku Heshay Baada Qaranka Somaliland, Kala Geynta Iyo Isku Dirka Guud Ahaan Bulshada Reer Somaliland, Waxa Kale Oo Uu Ku Caan Baxay Hoos U Dhigida Haybadda Iyo Milgaha Dawladnimo Ee Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Buun-Buuninta Iyo Kor U Qaadida Wararka Been-Abuurka Ah Iyo Dacaayadaha Raqiiska Ee Uu Soo Waarido Cadowga Reer Somaliland, Kuwaas Oo Lagu Doonayo In Lagu Waxyeeleeyo Jiritaanka, Xililoonida Iyo Wada Jirka Shacabka Reer Somaliland.

Ugu Dambayn Saxaafadda Ka Hawl-Gasha Deegaanada Somaliland Ayaad Waxa Aad Moodaa In Ay U Eekaatay Meelihii La Isku Caayi Jirey Ee Paltalk-ga Iyo Goobihii Fadhi Ku Dirarka Ee Ay Qaaqleyaashu Ka Buuqi Jireen, Mana Aha Wax Loogu Yeedhi Karo Saxaafad Iyo Wax La Mid Ah Toona, Waxa Aanuna Soo Dhaweyneynaa Tallaabo Kasta Oo Ay Xukuumadda Somaliland Ka Qaado Telefishankaasi HCTV Iyo Kuwa Kale Ee Ay Isku Dhaqanka Yihiinba, Waana In Dalka Laga Saaraa Cid Kasta Oo Ku Gefta Sharciga Iyo Xeerarka Somaliland, Waayo Waa Aafo Aan Waxyeello Mooyee Wax Faa’iido Ah U Lahayn Dadka Iyo Dalkan Toona, KAB IYO XAARKEEDNA WAA LA ISKU TUURAA.

By: Pro. Aarjeberti.
seeftanacabka@yahoo.com

COMMENTS
Latest News