qorilugudnews24.com
Iska Hor-Imaadka Diblomaasiyadeed Ee Soo Kala Dhex-Galay Dalalka Faransiiska Iyo Turkiga, Wel-Welka Gaashaanbuurta NATO Iyo Amarka La Siiyey Dagaal Oogaha Libya General Khalifa Haftar, (Xogta Dahsoon).
December 1, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Weli Waxaa Socota Eedaymaha Loogu Jeedinayo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Mackron Warbixintii Uu Bilowgii November Ku Sumcad Diley Gaashanbuurta NATO Oo Uu Ku Sifeeyey Mid Caajis Ah Oo Maskaxda Ka Dhimatay.

Eedaymahii U Dambeeyey Ee Mackron Loo Jeediyeyna Waxa Ay Ka Yimaadeen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Warbaahinta U Mariyey Mackron In Uu Isagu Yahay Ka Maskaxda Ka Dhintay Ee Aanay Ahayn Gaashaanbuurta NATO.

Madaxweynaha Turkiga Oo Raad Raacayey Warbixintaa Hore Ee Uu Mackron Ku Sumcad Diley Gaashaanbuurta NATO Ayaa Ordogan Waxa Uu Sheegay In Madaxweynaha Faransiisku Yahay Ka Maskaxda Ka Dhintay Waxaana Uu Ugu Baaqay In Uu Dhakhaatiirta U Tago, (Xogta Dahsoon).

By: Weriye Xuseen Aadan Yuusuf, (Hussein Kurdi).

COMMENTS
Latest News