qorilugudnews24.com
Halista Xidhiidhka Military Ee Shiinaha Iyo Ruushka, (Xogta Dahsoon).
December 4, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Iskaashiga Military Ee Istiraatiijiyadeed Ee Ruushka Iyo Shiinaha Ayaa Marba Marka Ka Dambaysa Isu Soo Dhawaansho Samaynaya. Madaxweyne Putin Ayaa Ku Dhawaaqay In Ay Shiinaha Ka Caawinayaan Dhismaha Nidaamka Digniinta Hore Bixiya Si Ay U Ogaan Karaan Gantaalaha Balaastikada Ah Ee Lagu Soo Weerari Karo.

Nadaamkaa Military Oo La Filayo In Ay Shiinuhu Ku Heli Doonaan Lacag La’aan Mar Haddii Aan La Ogeyn Wax Heshiis Ah Oo Labadaa Waddan Ka Galeen Guddoonsiinta Shiinaha Ee Saanadda Military Ee Muhiimka Ah. Ruushku Waxa Uu Ka Caawin Doonaa Shiinaha In Ay Dhisto Wax Cusub Oo Ay Casriyeeyso Raadaarada Dhulka, Dayax-Gacmeedada Iyo Xarumaha Lagu Falanqeeyo Xogta, (Xogta Dahsoon).

By: Weriye Xuseen Aadan Yuusuf. (Hussein Kurdi).

COMMENTS
Latest News