qorilugudnews24.com
Fadeexad: Magaaladii Hargeysa Oo Noqotay Dhufays Lagaga Soo Duulo Qadiyadda Somaliland, Isla Markaana Lagu Caayo Garaadka Iyo Damiirka Shacabka Reer Somaliland.
December 7, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Waxa Caawa Dad Badan Oo Reer Somaliland Ah La Yaab Iyo Amakaag Ku Noqotay Kaddib Markii Ay Shaashadaha La Iska Arko Ka Daawadeen Hees Lagu Dhiiri-Gelinayo Waxa Loogu Yeedho Midnimada Soomaaliya, Taas Oo Ay Qaadaysey Gabadh Magaceeda Lagu Sheegay Nadiira Nayruush Iyo Kooxo Kale Oo U Jiibinayeya, Kuwaas Oo Sida La Xaqiijiye Laga Soo Abaabuley  Xarunta Villa War-Dhiigley, Isla Markaana Uu Maal-Geliyo Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Maamulkaasi Villa War-Dhiigley Mr. Mahdi Guuleed.
Haddaba Waxa Ay Isweydiintu Tahay, Waayo Cidda Barnaamijkan Ka Dambaysa Ee Soo Abaabushey, Isla Markaana Kooxdan Dalka Keentay, Innaga Oo Horeba Ula Soconey In Ay Jiraan Kooxo Kale Oo Baasaboorka Villa Somalia Ku Dhex Sameeya Guryo Waaweyn Oo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa, Iyada Oo Aanay Jirin Cid Ilaa Iyo Iminka Tallaabo Ka Qaaday.

Waxa Kale Oo Iyaguna Jira Ururo Iyo NGO’S-yo Aad U Tiro Badan Oo Ka Hawl-Gala Gudaha Magaalada Hargeysa, Kuwaas Oo Iyaguna Ka Diiwaan Gashan Magaalada Muqdisho, Waxa Kale Oo Aynu Maalin Walba Maqalaa Seminaaro Iyo Shirar Lagu Qabanayo Hoteelada Magaalada Hargeysa, Kuwaas Oo Marka Aad Hoos Ugu Sii Daadegtid Ujeedada Dhabta Ah Ee Ay Xambaarsan Yihiin, Ay Markiiba Kuu Soo Baxayso Wax Ka Duwan Waxa La Inoogu Sheegay Iyo In Uu Yahay Barnaamij Muqdsho Laga Soo Abaabuley, Ujeedada Keliya Ee Laga Leeyahayna Ay Tahay Sidii Loo Wiiqi Lahaa Qaranimada Iyo Jiritaanka Somaliland, Iyada Oo La Innaga Dhigayo Maamul-Goboleed Ka Tirsan Soomaaliya.

Ugu Dambayntii Waxa Ay Dad Badan Oo Bulshada Reer Somaliland Ka Mid Ahi Aaminsan Yihiin In Magaaladii Hargeysa Ay Noqotay Bahalo Galeen, Iyo Meesha Aakhirka Laga Dumin Doono Somaliland, Taas Uu Hadda Ifafaalaheedii Muuqdo, Maadama Oo Ay Caawaba Ka Socdaan Barnaamijyo Iyo Heeso Lagu Dhiiri-Gelinaayo Mabda’ii Hore Loogu Jabay Ee Somaliweyn, Taas Oo Hadda Magaalada Hargeysa Iyo Hoteeladeeda Ka Noqotay Wax Aan Lala Gaban, Sidoo Kalena Lagu Dhex Wato Calankii Buluugga Ahaa Ee Maamulka Villa Somalia.

Halkan Ka Daawo Heestii Marunka Weyn Dhalisay Ee Nadiira Nayruush Iyo Kooxda Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Muqdisho, Heestaas Oo Caawa Ka Socotey Mid Ka Mid Ah Hoteelada Magaalada Hargeysa.

By: Pro. Aarjeberti

COMMENTS
Latest News