qorilugudnews24.com
Xisbigii Kulmiye Oo Muuqda In Uu Cagta Saaray Waddadii Burburka Iyo Odayaal Xaalkoodu U Muuqdey In Ay Ahaayeen Dhidar Onkod Kiciyey Oo Weerar Afka Ah Ku Soo Qaaday Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.
December 9, 2019 - Written by qoriadmin

Helsinki-(QorilugudNews24)-Shaki Kuma Jiro In Xisbiga Tallada Haya Ee Kulmiye Uu Cagta Saaray Waddadii Qodxaha Badnayd Ee Burburka, Uuna Mari Doono Halkii Uu Maray Xisbi-Xaamkii Isaga Ka Horeeyey Ee UDUB, Waa Haddii Ay Xaaladdu Sidatan Sii Ahaato, Waxaana Hubaal Ah In Uu Xisbigaa Kulmiye U Kala Jabi Doono Garabyo Badan Oo Iska Soo Horjeeda, Arrintaas Oo Si Weyn U Soo Shaac-Baxday, Kaddib Hadalkii Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Jawaabaha Isburinaya Ee Ay Ka Bixiyeen Ina Cabdi Dheere Iyo Xasan Siciid, Ammuurtaas Daaha Ka Qaaday, In Ay Durba Jirto Kala Shaki Xisbiga Dhexdiisa Ah Iyo Miino Aasan Oo Waqti Kasta La Filan Karo In Ay Qaraxdo, Waxayna Dad Badani Saadaalinayaan In Uu Soo Dhawaadey Dil-Dilaacii Iyo Burburkii Xisbiga Tallada Haya Ee Kulmiye.
Dhanka Kale Wax Waxa Jirta Daraasad Mug Weyn Oo Ay Dhawaan Sameeyeen Rag Khuboro Ah Oo Iyagu Ku Xeel Dheer Arrimaha Siyaasadda, Taas Oo Sheegaysa, In Taageeradii Xisbiga Kulmiye Ee Uu Ku Lahaan Jirey Guud Ahaan Gobollada Iyo Degmooyinka Somaliland Ay Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Hoos U Sii Dhacayo., Isla Markaana Uu Lumiyey Kalsoonidii Dadka, Arrintaas Oo Loo Sibir Saarayo Waxyaabo Badan Oo Isbiirsaday, Kuwaas Oo Ay Ka Mid Yihiin, Iyada Oo Aanay Waxba Ka Fulin Inta Badan Ballamihii Uu Qaaday Xisbigaasi, Gaar Ahaan Xilligii Lagu Doorashadii Madaxtooyada Somaliland, Iyo Iyada Oo Ay Balshadii Reer Somaliland Hungo Ka Taagan Tahay Dhammaan Waxyaabihii Ay Xisbigaasi Ka Filayeen, Kuwaas Oo U Muuqda In La Iska Gees Maray, Meelna La Iska Dhigay.

Ugu Dambayn, Waxa Hubaal Ah In Ay Xisbiga Kulmiye Isku Macasalaameyn Doonaan Rag Ruug Caddaa Ahaa Oo In Badan Garab Iyo Gaashaan Isu Ahaa, Laakiin Ay Siyaasaddu Kala Irdhayn Doonto, Kuwaas Oo Ay Haddaba Fiintu Dhex Miranayso, Waxayna Arrintaasi Si Weyn U Soo Shaac Saartay Murtidii Odhanaysey ”Siyaasaddo Waxa Ay Leedahay Dan Joogto Ah, Ee Saaxiib Joogto Ah Ma Laha”.

Guntii Iyo Gabagebadii, Muj. Maxamuud Xaashi Cabdi Waa Siyaasi Ruug Caddaa Ah Oo Qarankan In Badan U Soo Shaqeeyey, Isla Markaana Kala Soo Dabaashay Xilli Adag Oo Ay Dabaylo Xumi Dhacayeen, Xaq Baanu U Leeyahay In Uu Isu Soo Taago Hanashada Hoggaanka Sare Ee Xisbiga Kulmiye, Ina Cabdi Dheere Iyo Xasan Siciid Iyo Cid Kale Toona Waxba Uma Diidi Karaan, Wayna Iska Hadleen, Waxayna U Muuqdaan Rag Laaluush Ku Soo Qaatay U Jawaabida Siyaasi Maxamuud Xaashi, Arrintaas Oo Ah Wax Lagu Qoslo Iyo Hadal Carruureed, Laakiin Waxa Aan Anigu Odhan Lahaa ”War Hoy Saaxiibayaal Ha Karaamo Seegina, Hana Soo Dedejina Burburkii Iyo Dil-Dilaacii Xisbiga Kulmiye”, Warkii Jiraaba Cakaaruu Iman????….Waana La Is Baran.

La Soco Qaybaha Dambe….

By: Pro. Aarjeberti.
Helsinki, Finland.

COMMENTS
Latest News