qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Beel Keligeed Isku Koobtay Xilalkii Ugu Sareeyey Ee Ciidanka Booliska Somaliland Iyo Faysal Xiis Oo Mar Kale Loo Magacaabay Xil Culus.
December 14, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wararka Laga Helaayo Ilo-Wareedyo Muhiim Ah Oo Iyagu Ku Sugan Magaalada Hargeysa Ayaa Sheegaya In Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland S/Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Daba-Gale Uu Sameeyey Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabista Ee Somaliland (C.I.D) G/Sare Daahir Muuse Abraar, Halka Uu Xilkaas U Magacaabay G/Sare Faysal Xiis Oo Hore Mar U Ahaan Jirey Taliyihii Ciidanka Nabad-Gelyada Waddooyinka Ee Tarafikada, Balse Markii Dambe Laga Eryey Oo Laga Qaaday.
Taas Oo Ka Dhigaysa In Dhammaan Taliyeyaashii Iyo Hoggaamadii Ciidanka Booliska Ee Somaliland Ay Hal Beeli La Wareegto, Halka Saraakiishii Ciidanka Booliska Ee Beelaha Kale Laga Dhigay Buulka, Arrintaas Oo Fadeexad Iyo Barmadow Ku Ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Guud Ahaanba Qaranka Somaliland.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xilalka Ciidanka Booliska Somaliland Ee Ay Beeshaasi Keligeed Isku Koobtay…..

1-Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliiska Somaliland S/Guuto Dabagale.
2- Hoggaanka Hawl-Gelinta Booliiska Ee Somaliland, Maxamed Ducaale.
3- Taliyaha Ciidanka Birmadka Ee Booliiska Ee Somaliland Ina Axmed Tiir.
4- Hoggaanka Gaadiidka Booliiska Ee Somaliland, Ina iidle
5- Hoggaanka Laanta Baadhista Dembiyada (C.I.D) Ee Booliiska Somaliland G/Sare Faysal Xiis.
6- Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Ee Somaliland
7- Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka (Immigration) Dayib Cismaan Caalin.
8. Hoggaanka Laanta Nabad-Gelyada Waddooyinka Ee Somaliland.

Waxaa Intaas Dheer Taliyeyaasha Saldhigyada Iyo Hoggaanada Ay Ku Leeyihiin Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Ciidamada Kale Ee Asluubta, Badda Iyo Sirdoonka Ee Somaliland.

Ugu Dambayntii Waxa Aan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Ugu Baaqayaa In Uu Arrintaas Ka Fiirsado, Isla Markaana Haddii Uu Doonaayo In Cid Kale Beesha Garxejis Booska Looga Riixo Oo Lagu Mustafeeyo Uu Kuwa Beeshiisa Ah Ee Meel Walba Iska Fadhiya Ka Riixo, Halka Beelihii Kale Ee Awalba Cabanaayey Ee Ay Meesha Ka Joogeen Shaqsiyaadka Faro Ku Tiriska Ahi Aan Lagu Sii Joogsan, Taas Oo Haddii Ay Sii Socoto Albaabada U Furi Doonta Buuq Iyo Xasad Kale Oo Aanu Qarankani Qaadi Karin, Daafadna U Haynin….. Ceebeey Tacaal!!!,

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News