qorilugudnews24.com
Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Ee Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Oo Hadal Micno Badan Xanbaarsan Soo Jeediyey Iyo Taariikho Dhacay Oo Ku Lammaanaa.
December 30, 2019 - Written by qoriadmin

Waxaa Fiican In Qofku Ku Eakaado Waxa Ay Dadku Ku Yecel Yihiin, Waxaa Qoray: Ex-Wasiir Cali Mareexaan………..

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xilli Aan Filayo In Ay Ahayd Dabayaaqadii Sannadkii 1986-kii Ayaa Waxaa Riwaayad Magaalada Burco Keenay Koox Fanaaniin Caan Ahaa Oo Uu Ku Jirey Maxamed Saleebaan Tubeec AHN, Waxayna Sideen Riwaayad La Odhan Jiray ISA-SEEGGA JACAYLKA, Waxaa Ku Jirey Maxamed Saleebaan Tubec Iyo Nimco Yaasiin Iyo Faanaanin Caan Ahaa Oo Kale.

Maxamed Saleebaan Isagu Maadaama Oo Uu Ahaa Boqorkii Codka Waxaa U Gaar Ahayd Habeeno Kale Oo Uu Bulshada Heesihiisii Kula Cawaynaayey.

Habeenka Tubec Iyo Burco waxaa La Iska Ka Soo Buuxiyey Garoonkii Baaskitka. Safafka Tigidhadu waxaa la gadhay Casarkii dheeraa, waxaa soo xaadiray dad lagu qiyaasay Toban Kun Oo Qof.

Saddexda Tarabuun Markii Ay Buuxsameen Waxaa La Buuxiyey Meel Kasta Oo Bannaanayd Dadkuna Badan Koodu Waxay Ku Daawanayeen Sarajoog. Anigu Waxaan Ka Mid Ahaa Dadkii Nasiibka U Helay Meel Ay Badhida Dhigaan.

Dadweynihii Iyo Tubeec Ayaa Loo Kala Baxay, Wuxuu Soo Galay Masraxii Isaga Oo Suudh Ku Lebisan. Makhluuqii Dhammaan Waa La Istaagey Sacab Ayaa La Isku Daray (Standing Ovation) Ayaa Lagu Soo Dhaweeyey.

Dadka Waxaa Maskaxdooda Ku Soo Dhacaysa Tolow Ma Gufaaco Ayuu Ku Bilaabayaa Mise Dhool Da’ay La Mood Mise Jaawo Geel Mise Mise?. Laakin Maxamed Saleebaan wuxuu bilaabay khudbad u Eeg tii siyaasiyiinta, Wuxuu in badan ka sheekeeyey Carruurnimadiisii iyo Burco sidii uu ugu soo Barbaaray, halkii uu Malcaamada ka dhigan jirey iyo Xusuus aad u fog. Wuu ku dheeràaday, Faan badana wuu ku daray oo isaga ku saabsan.

Dadkii sida geesiga u soo dhaweeyey mar qudha Ayey waxa ay bilaabeen Foori, Qaylo iyo Oris. Wuu fahmay wuxuuna yidhi miyaan joojiyaa? HAAAAA ayaa mar qudha la wada yidhi. Inta uu xaggii kooxdii muusikada u yara dhaqaaqay ayuu hoos wax ugu sheegay.

Sanqadhii Muusiga ayaa la fahmay in Heesta soo socotaa Ay tahay HOOYOOY LA’AANTAA Sacab ayaa la kala joojin waayey. Halkaa wuxuu is daba dhigay Lix Heesood oo aad iyo aad u caan aahaa.

Xikmadu Waxa Weeye, Ku Eekow Waxa Ay Dadkaagu Kugu Jecel Yihiin.
Saaxaaxiibayaal Faalladu Waa Idinka Xaggiina Iyo Sada Aad U Fahantiinba…..

COMMENTS
Latest News