qorilugudnews24.com
Waa Qormo Xambaarsan Taariikh Aan Hore Loo Ogeyn!!.
February 15, 2020 - Written by qoriadmin

By: Maxamed Cali-Ruush.

Waxa Jirtey Warqad Uu Maxamed Cabdi Nuur (Juju) U Soo Qorey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Dhawr Maalmood Ka Hor Qaadashadii Xornimadii Somaliland. Maxamed Cabdi Nuur Wuxuu Wasiir Ka Ahaa Dawlad-Hoosaadkii Waqtigaasi Muqdisho Ka Dhisnayd Ee Uu Cabdillahi Ciise Prime Minister-ka Ka Ahaa. Wuxuu Maxamed Cabdi Nuur Ka Soo Jeedey Dirta-Koonfureed.

Wuxuu Warqada U Soo Dhiibey Carab Ciise iyo Gurey Sheekh Muuse Oo Labaduba Ku Noolaa Magaalada Muqdisho, Muddo Labaatan Sanno Ah. Warqadii Ayey Hargeysa Ugu Keenen Cigaal. Waxa Warqadda Nuxurkeedu Ahaa Qodobada Hoos Ku Qoran:

1. Waxaan Ku Odhan Lahaa, Hana Soo Raacina.

2. Soomaali Caafimaad Qabta, Oo Aad Ku Soo Biirtaan, Halkan Ma Joogto.

3. Haddii Ay Noqoto, In Aad Nagu Soo Biirtaan; Hal Jago Oo Bannaana Ha Noola Imanina; Halkan Soomaalida Joogtaa, Ka Xishoon Maayaan In Ay Jagooyinkaasi Qaataan.

4. Lixda Jago Ee Ay Wasiiradii Ingriisku Ku Fadhiyeen Soo Wada Buuxso. Waxaanan Wasriiradaasi Ingriiska Ka Xasuustaa, F. Lawrence Oo Maaliyadda Ahaa, Robert Shaw Oo Cadaaladda Ahaa, Philip Carrel, Oo Daakhiliga Ahaa, O’Donohuo Oo Xeer-Ilaaliyaha Ahaa.

5. 6-da Kursi Ee Ay Ingriisku Kaga Jiraan Baarlamankana Soo Buuxso.

Maxamed Ibrahim Cigal Wuu Dareemay Culeyska Ay Fariintaasi Xanbaarsanayd, Hayeeshee Wuxuu Gacmaha Ugu Xidhnaa Madaxdii Awoodda Badnayd Kana Da’da Weyneyd Ee Ka Talineysey Xisbiga SNL; kuwaas Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Ismacil Naxar, Yuusuf Iimaan, Axmed Keyse, Axmed Ismaaciil (Duqsi), Maxamed Cali Faarax, Ibraahim Cali Ducaale iyo Xaji Shaqale Maaya-khaarij.

Dagaalkii Sokeeye Ee Soomaaliya Ka Bilaabmay Sannadkii 1991-kii, Wuxuu Ka Bilaabmi Lahaa Soomaaliya, Markii Xornimadii Ay Qaateen 1960-kii. Beel Xoog Ku Lahayd Xisbigii SYL Ayaa Ka Baxday, Oo Sameysatey Xisbi La Magac-Baxey “GREAT”; Kaas Oo Uu Guddoomiye Ka Noqday Siyaasi La Yidhaahdo Yusuf Bardacad. 1-dii July Mudaharaad Ayaa Ka Socdey Mugadisho, Halkaasi Oo Lagu Dooxay Badhasaabkii Caasimadda, Axmed Shuqul.

Koox Siyaasiin Ah Oo Uu Hor-Kacayo Cabdirisaq Xaaji Xuseen, Waxay Isla Maalintaas Joogeen Xarunta UN-ta Ee New York, Iyaga Oo Ka Codsanaya, In Aan Xornimo La Siin Soomaaliya, Codsigaasina Uu Sabab Uga Dhigayey, In Uu Hal Qabiil Dawladnimadii Hantiyey, Iskuna Xeeray, Beelaha Kale Ee Soomaaliyeedna Aanay Waxba Uga Ogoleyn.

Nasiib wanaag, is-raacii Somaliland kula midowday Soomaaliya ayaa kala badbaadiyey. Maantana dad badan ayaa qaba In aanay reer Soomaaliya ku heshiin doonin in ay dhistaan dawlad ay u dhan yihiin; Maalinta Uu Ciidanka Amison ka baxona Waxa Hubaal Ah In uu halkaasi dagaal Sokeeye ka bilaabmi doono. Somaliland Maanta kala badbaadisaana Meesha Ma Joogto. “

Xigasho: Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

COMMENTS
Latest News