qorilugudnews24.com
Waa Nasiib Darro In Ay Dhallinyarada Reer Burco Ilaawaan Taariikhdii Dhagax-Tuurka Ee Dhalliyaradii Reer Burco Ee Magacoodu Ahaa (Toosa).
February 21, 2020 - Written by qoriadmin

Waa Nasiib Darro In Ay Dhallinyarada Reer Burco Ilaawaan Taariikhdii Dhagax-Tuurka Ee Dhalliyaradii Reer Burco Ee Magacoodu Ahaa (Toosa), Isla Markaana Ay Xuska UFFO U Haystaan Mid Ay Iyagu leeyihiin, Ma Lihi Yaan La Xusin Ta UFFO, Laakiin Tii Burco Iyana Waa In La Xusaa.

Waxa Hore Inoo Soo Martay In Wakhtigii Soomaaliya Iskuulada Lagu Baran Jirey Keliya Taariikhda Dhallinyadii SYL Oo Dhammaantood Ahaa Reer Koonfureed Xoriyaddooda Ka Raadinayey Gumaysigii Talyaaniga, Halka Gebi Ahaanba La Qariyey Oo La Tirtirey Taariikhdii Dhallinyaradii SNL Oo Ahayd Reer Waqooyi Oo Iyaguna Xoriyaddooda Ka Raadinayey Gumaysigii ingiriiska.

Markaa Maantana Waa Tii Oo Kale Oo Waxa La Qarinayaa Taariikhdii Dhallinyadii Reer Burco, Waxa Laga Dhigayaa Burco In Iminka La Sameeyey Magaalo Ahaan, Iyo In Aanay Waxba Isu Ahayn Burco, Isla Markaana Ay Iyadu Isu Cadow Tahay, Wakhti iyo waayo adagna aanay soo wada marin Dhallinyaradeeda iyo guud ahaan bulshadeeduba, waxaan leeyahay reer Burco la soo baxa oo xusa Taariikhdiina, tan iyo Qaar kale oo Badanba.
Wa Billaahi Tawfiiq.

COMMENTS
Latest News