qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Masuul Ka Tirsanaa Maamul-Goboleedka Puntland Oo Caawa Lagu Diley Magaalada Gaalkcayo Ee Xarunta Gobolka Mudug.
March 22, 2020 - Written by qoriadmin

Gaalkacayo-(QorilugudNews24)-Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Gaalkacayo Ee Xarunta Gobolka Mudug Ayaa Sheegaya In Caawa Halkaas Lagu Diley Masuul Ka Tirsanaa Xildhibaanada Dawladda Hoose Ee Degmada Gaalkacayo Ee Dhinaca Puntland, Masuulkaas Oo Alle Ha U Naxaristee Lagu Magacaabi Jirey Muqtaar Axmed Cumar Tinle, Ayaa La Sheegay In Ay Dilkiisa Fuliyeen Dubley Hubaysan Oo Aan Haybtooda La Garanaynin.
Magaalada Gaalkacyo Kuma Cusba Dilalka Noocan Oo Kale Ah, Waxaana Bishii Labaad Ee Isla Sanadkaan Lagu Diley Marxuum Lagu Magacaabi Jirey Cabdiraxmaan Nuur Geesdiir, Kaas Oo Ahaa Nabadoon iyo Guddoomiye Xaafad Ka Tirsan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Dhinaca Maamul-Goboleedka Puntland.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News