qorilugudnews24.com
Shirkadda Flydubai Oo Shaacisay Sababta Ay U Hakisay Duulimaadyadeedii Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland Iyo Warkii Maamulka Villa War-Dhiigley Oo Beenoobey.
March 24, 2020 - Written by qoriadmin

Kuvahaun tulos: flydubai photo

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Shirkadda duulimaadyada Caalamiga Ah Ee FLYDUBAI Oo Guud Ahaanba Hakisay Duulimaadyadii Ay Ku Tegi Jirtey Waddamo Fara Badan Oo Ka Mid Ah Caalamka, Ayaa War Ay Maanta Soo Saartay Kaga Hadashay Sababta Ay U Joojisay Duulimaadyadeedii Ay Ku Iman Jirtey Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland.

Shirkaddan Flydubai Ayaa baaqashada duulimaadyadeeda ku yimid ku sheegtay cabsida laga qabo fiditaanka Xanuunkan Xawaaraha ku socda ee guud ahaan ba caalamkii oo Dhan cabsida ba’an geliyey ee Coronavirus, iyo weliba amar ay soo rogtay Dawladda Imaraadku.

Waddamada ay duulimaadyada Flydubai ku tegi lahayd waxaa kamid ah Somaliland, taasi oo sababta ay u iman waydey, xaqiiqadeeda dhabta ah ay si qaldan u Turjumeen inta Neceb Jiritaanka Somaliland Ee Maamulka Farmaajo Uga Hawl-Gasha Baraha Bulshada Iyo Warbaahinta Kale Ee Afka Soomaaliga Ku Hadasha, Taas Oo Ay La Xidhiidhiyeen In Lagu Joojiyey Amar Ka Soo Baxay Maamulka Villa War-Dhiigley Imaatinkii Flaydubai Ee Magaalada Hargeysa, Balse Aanay Xaqiiqadu Sidaas Ahayn Oo Soomaaliya Aanay Wax Awood Ah Ku Lahayn Hakashada Flydubai Ee Madaarka Caasimadda Somaliland Ee Hargaysa.

Halkan kaga bogo xogta dhabta ah ee ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ee la Xidhiidha sababaha dhabta ah ee Ay duulimaadyadeeda ku hakisay.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News