qorilugudnews24.com
Villa War-Dhiigley Oo Go’aan Fuleynimo Ah Ka Qaadatay Khilaafka Dawladaha Itoobiya Iyo Masar.
March 24, 2020 - Written by qoriadmin

Villa War-Dhiigley Oo Go’aan Fuleynimo Ah Ka Qaadatay Khilaafka Dawladaha Itoobiya Iyo Masar.

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Maamulka Villa War-Dhiigley Ee Madaxweyne Farmaajo Ayaa Ka Daba-Tegtey Oo Diidey Qaraarkii Uu Horey U Taageeray Ee Jaamacadda Carabta, Kaas Oo Lagu Cambaareynayey Dawladda Itoobiya Qorshaheeda Ku Saabsan Biyo-Xidheenka Webiga Nile, Kadib Markii Uu Maamulkaasi Waraaq U Diray Jaamacadda Carabta.

Waraaqda ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inay ka Gaabsatay Qaraarkaas ayna dhex-dhexaad ka tahay, isla markaasna ay soo jeedineyso in khilaafka u dhaxeeyo dawladaha Itoobiya iyo Masar lagu xaliyo qaab wadahadal ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeesey ka hadley khilaafka ka dhashay biyo-xidheenka ay dawlada Itoobiya dhisayso ee khilaafka ka dhex abuuray Dawladaha Itoobiya iyo Masar.

Waxaa uu sheegay wasiir Cawad in Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dawladdood ee Masar iyo itoobiya, waxa uuna meesha ka saaray in Soomaaliya ay labada dhinac mid la safan tahay.

“Runtii mowqifka Soomaaliya ee khilaafka dawladdaha Itoobiya iyo Masar waa dhex-dhexaadnimo, xaqiiqdii fursada keliya ee inoo furan waxaa waaye in aynu isu soo dhaweyno ama aan ka aamusno balse marnaba Soomaaliya looma yeedhin doono Go’aankeeda ayuu yidhi” Wasiir Cawad.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay saxiixday taageero Waddamada Carabta u muujiyeen dawladda Masar, waxa uuna cadeeyey in Soomaaliya ay arrintaasi dhex-dhexaad ka tahay.

Arrintan Ayaa Imanaysa Kaddib Markii Ay Dawladda Itoobiya Si Xun U Soo Canaanatay Maamulka Gacan Ku Rimiska Ah Ee  Ka Dhisan Villa War-Dhiigley, Kaas Oo Hadda Si Toos Ah U Hoos Taga Maamulka Oromada Ee Magaalada Addis Ababa Ka Arrimiya..

COMMENTS
Latest News