qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Ee Maamul-Goboleedka Puntland Oo Caawa Lagu Diley Qarax Lala Beegsaday Gaadhigii Uu Saaraa.
March 30, 2020 - Written by qoriadmin

Garoowe-(QorilugudNews24)-Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamul-Goboleedka Puntland Ayaa Geystey Khasaare Kala Duwan Oo Isugu Jirey Dhimasho Iyo Dhaawac, Waxaana La Xaqiijiyey In Uu Qaraxaas Ku Geeriyoodey Guddoomiyihii Gobolkaasi Nugaal Mr. Cabdisalaan Xirsi Xasan (Gu’ Jir), Kaas Oo U Geeriyoodey Dhaawac Culus Oo Ka Soo Gaadhey Qaraxaasi Ismiidaaminta Ahaa.
Qaraxan Ayaa Waxa Kale Oo Uu Dhaawac Culusi Ka Soo Gaadhey Taliyihii Hore Ee Ciidanka Booliska Puntland General Faraax Galangooli, Kaas Oo Hadda Xaaladdiisa Caafimaad Lagula Tacaalayo Cisbitaalka Guud Ee Magaaladaasi Garoowe.

Hoos Ka Daawo Warkii Hore Ee Qaraxaas.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News