qorilugudnews24.com
Xukuumadda Somaliland Oo Sheegatay In Ay Ruqsadii Kala Noqotay Shirkaddaha Diyaaradaha Ee Flydubai Iyo Air-Arabia, Kuwaas Oo Laga Leeyahay Dalkaasi Imaraadka Carabta Iyo Sababta.
April 2, 2020 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xukuumadda Somaliland Ayaa Maanta Sheegatay In Ay Ruqsadii Kala Noqotay Shirkaddaha Diyaaradaha Ee Flydubai Iyo Air-Arabia, Kuwaas Oo Laga Leeyahay Dalkaasi Imaraadka Carabta, Lamana Oga Sababta Dhabta Ah Ee Arrintan Ka Dambaysa, Balse Waxa Muuqata In Uu Mugdi Badani Hadheeyey Wasaaraddii La Odhan Jirey Duulista Iyo Hawada Ee Somaliland Tan Iyo Intii Ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Tallada Dalka Qabatay, Xilka Wasaaraddaasna Loo Magacaabay Duuliyihi Muddada Dheer Hawl-Gabka Ahaa Ee Mr. Maxamed Rodol.

Wuxuuna Madaarkii Magaalada Hargeysa Hadda Ku Socdaa In Uu La Mid Noqdo Ama La Sinmo Madaaradii Kale Ee Dalka Ku Yaalley, Kuwaas Oo Hore Albaabada Loogu Laabay, Sida Kuwii Ku Yaalley Magaalooyinka Burco, Boorame Iyo Ceerigaabo, Waxaanad Moodaa In Gebi Ahaanba La Tirtiraayo Dhammaan Wixii Horumar, Waxqabad Iyo Maal-Gashi Ahaa Ee Ay Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Dalka U Keentay Ama U Soo Jiidey, Iska Daa  Wax Kale Oo Lagu Soo Kordhiyee.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News