qorilugudnews24.com
Dhallinyaradii Iyo Fannaaniintii Reer Hargeysa Oo Muqdisho U Kala Dhuumanaya Iyo Koox Dhawaan Ka Soo Noqotay Oo Xabsiga Lagu Guray, Kuwaas Oo Looga Shakiyey In Ay Xambaarsan Yihiin Caabuqa Coronavirus.
May 2, 2020 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Waxa Si Weyn Isu Soo Taraya Dhallinyarada Iyo Fannaaniinta Reer Hargeysa Ee Maalin Walba U Kala Dhuumanaya Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Maamulka Villa Somalia, Waxaanay Ahayd Dhawaan Uun Markii Xabsiga Lagu Guray Koox Fannaaniin Ah Oo Magaalada Muqdisho Ka Soo Laabtay, Kuwaas Oo Looga Shakiyey In Ay Xambaarsan Yihiin Caabuqa Coronavirus, Halka Qaar Kalena Weli Lagu Raad Joogo, Waxaana Naloo Xaqiijiyey In Fannaaniinta La Xidhay Ay Ka Mid Yihiin, Saalax Carab, Barwaaqo Qalanjo Iyo Nimco Qaali Iyo Abwaan Talasame Oo Ay Isagana Ciidamada Ammaanka Ee Somaliland Weli Ku Raad Joogaan, Abwaankaas Oo La Sheegay In Uu Yahay Ninkii Sameeyey Heesta Loo Qaado Madaxweyne Farmaajaha Somalia.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News