qorilugudnews24.com
Wasiir Saleebaan Cali Koore Oo Isu Bedeley Hanti-Dhawrihii Qaranka Somalinad Iyo Wasiirkii Hawlaha Guud, Farahana Kula Jira Wax Aan Shaqadiisa Ahayn.
May 15, 2020 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi-Gelinta Ee Somaliland Mr. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Ayaa U Muuqda In Uu Faraha La Galay Wax Aan Shaqadiisii Ahayn, Isuna Bedeley Hanti-Dhawrihii Qaranka Somaliland Iyo Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta, Halka Ay Wasaaraddiisii Dayacan Tahay Qalabkii Hoos Yaalleyna Noqday Wax La Bililiqaystay Iyo Wax Fadhiistay, Kuwaas Oo Aan Ka Xusi Karo Idaacaddii Weyneyd Ee Radio Hargeysa Oo Aan In Muddo Ah Laga Maqal Dalka Intiisa Kale, Deegaanka Haleeya Ee Duleedka Magaalada Hargeysana Aan Soo Dhaafin, Taas Oo Aad Moodid In Ay Tahay Idaacad Foorarka Ku Waranta Oo Hoos U Jeeda.
Waxa Kale Oo Isa Soo Taraya Wararka Iyo Saluuga Ay Bulshada Reer Somaliland Ka Muujisay Badiba Wasiirada Xukuumadda Somaliland Ee Hadda Tallada Haysa, Kuwaas Oo Aan Gebi Ahaanba Wax Tayo Ah Lahayn (Poor Quality And Maladministration) Shaqadoodiina Aan Garanayn, Waxyaabo Kale Oo Aan Loo Dirsana Faraha Kula Jira, Arrintaas Oo Keentay Kalsooni Darro Iyo Niyad Jab Ay Bulshada Reer Somaliland Ka Qaaday, Wariidan Oo Inta Badan Lagu Eedeeyey In Ay Leeyihiin Dhaqankii Foosha Xumaa Ee Lagu Yaqaaney Kaadiriintii Xisbigii Hanti-Wadaagga  Kacaankii 21-ka Oktoobar Iyo Ciidankii Guul-Wadeyaasha Ee Keligii Taliye Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre….. Yaab!!!.

By: Cali Cabdi Geylan (Digtoorka).

Hargeysa, Somaliland.

COMMENTS
Latest News