qorilugudnews24.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyey 365 Maxbuus, Kuwaas Oo Jira Xabsiyada Kala Duwan Ee Dalka.
May 19, 2020 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxa Uu Wareegto Madaxweyne  Cafis Guud Ugu Fidiyey Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman Ee Xabsiyada Dalka Ku Xidhan Xuska Maalinta 18-Ka May Awgeed.

Sidaasna waxa uu madaxweynuhu ku sheegay Wareegto Madaxweyne oo uu caawa soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna oo u Qorneyd sidatan:-

Waxaanay U Dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidatan:-

“Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna Taariikhaysan 17/05/2020;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In Laga Bilaabo Taariikhda Maanta Aan Cafis Guud U Fidiyo, Xuska Maalinta 18-Ka May Darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku Xukuman ee Xabsiyada Dalka ku xidhan, oo Tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) Maxbuus.

 

Cafiskani Saamayn Kuma Laha Xuquuqda Madaniga Ah Iyo Raadka Ciqaabeed Ee Ka Dhalanaysa Dembiyada Ay Ku Xukunaayeen, Sida Ku Xusan Qodobka 92 Ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa Cafiskan Fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka, Iyada Oo La Raacayo Liiska Maxaabiista.”

COMMENTS
Latest News