qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar Oo Beeniyey Warar Been Abuur Ahaa Oo Ay Ka Faafiyeen Maamulka Nabar Iyo Naxdin Ee Villa War-Dhiigley.
May 20, 2020 - Written by qoriadmin

Kuvan mahdollinen sisältö: 1 henkilö

Dubai-(QorilugudNews24)-Safiirka Somaliland Ee U Fadhiya Dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar Ayaa Waxba Kama Jiraan Ka Dhigay Warar Been Abuur Ahaa Oo Ay Hore Uga Faafiyeen Maamulka Nabar Iyo Naxdin Ee Villa War-Dhiigley, Wararkaas Oo Sheegeyey In Safiirka Lagu Xidhay Dalka Imaraadka Carabta, Safiir Baashe Oo Hadda Ku Sugan Dalka Imaraadka Carabta Ayaa Waxa Uu Qoraalkiisu U Dhignaa Sidatan:-

WAR CELINTA WAR BEEN ABUURID AH.

Reer Somalia Ma Habaar Bay Dan Moodeen!

Way Iska Dhacdaa in Marka Albaabka Siyaasaddu Soo Xidhmo Oo Ay Beentii Aan Lugaha Ku Taagnay Isa Soo Oodo, In Dadka La Isku Dayo In La Jaah-Wareeriyo Oo Waxaan Jirin Iyo Riwaayad Lagu Mashquuliyo.
Dadka Somalia Anigu Ma Aflagaadeenayo Oo Sharaf Bay Naga Muddan Yihiin, Laakiin Qolyaha Dawladda Somalia Ee Nabar Iyo Naxdin Waxa Aan Leeyahay Beenta Aad Shacabka Ku Shubaysaan Iska Daaya.
Aniga La Ima Xidhin, Waxaan Muddo Laba Bilood Ahna Aan Joogay Dalka Imaraadka Carabta Oo Ay Iigu Dhacay Xayiraadii COVID 19 Si Lama Filaan Ah.
Waxaan Ahay Wakiil Metela Sharafta Iyo Karaamada Shacab Iyo Dawladda Ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dawladda Kenya Iyo Somalilandna Waxa Ay Leeyihiin Cilaaqaad Soo jireen Ah, Oo Ilaa 18th Century-gii Soo Jirey, Maantana Maraya Heerkiisii Ugu Sareeyey.

ALLAA MAHAD LEH.
Amb. Bashe Awil Haji Omar.
Somafiirka Somaliland Ee Dalka Kenya.

COMMENTS
Latest News